Riyada gabar sun cunto kugu darayso

Su’aasha:

Wanan ku riyooday haweenay eedo I ah OO Aabahay furay 5 caruur ahna u dhashay inay iyada iyo caruurteeda ciil inoqaban gabar kamid ah caruurteeda wan isla noolnahay hada marka waxaan ku riyooday iyado sun cuntada igu dareyso aniga shaki ayan kaqaba wa sidan riyada ku arkay si ay idisho lakin marka dabhan lofiriyo 4 sano ayan isla noolnahay cuntada iyada ayan igurto wax Dib ahna nama daxyaalo.

Riyada gabar sun cunto kugu darayso
Riyada gabar sun cunto kugu darayso

Jawaabta:

Riyada waxay badan tahay niyaddaada inay tahay maadaama aad shaki badan tahay.

Sunka xataa marka la fasirayo wuxuu noqonaa cagsi waxa laga fahmayo, daawo baa lagu fasiraa sunta, laakin sida aan ka fahmay qisadaada waxaa kuu keenay riyadan shaki iyo waswaas, qofka waa laga yaabaa inuu ku riyoodo wixii niyaddiisa ku jiro si wuxuu u arkaa wax sax ah.

Waxaa kaloo riyada ay noqon kartaa riyo shaydaan wuxuu rabaa inuu kugu diro gabadhaas marka shakiga iska naar.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More