Riyada gabar ninkeeda oo shaqo meel ka siinaya
Su’aasha:
Asc waxaan kuriyooday anoo meel jaamacada jooga oo ninkayga ila joogo arday aad u badana joogto ninkayga masuul ka hayay shaqada waxuuna isiiyaya shaqo dadkii baa waxay dhaheen naagtiisi buu shaqo siiyay isana waxuu kulahaa bagaan siyay ayaan siinlahaa hadana siinin gabadhayda dadka dhana waxay lahayee naagtiisuu shaqo siiyay anaoo gacmaha is haynana waaxaan usoo baxnay bananka waxaan arkayay laamiyo qur qurxan oo laamiga garabkiisa qasabada ku xiran yahiin qaar in lagu waysaysto loogu talagalay qaarna waa macaanoo waa lacabaa oo xoolaha iyo dadku way isla cabaan kuwa macaan babana hayn waxaana lahayn ilhaybaa dowlad fiican nasiiyay

Jawaabta:
Riyada waxay tilmaamaysaa ninkaaga iyo adiga inaad nolol fiican gali doontaan xiriirka jacayl idinka dhexeeyo inuu sii kordhi doono, laakin dad badan qaraabada ah iyo macaarifta ay dhibsan doonaan oo ay idin xasdi doonaan, iska ilaaliya dadka cadowga ah oo khayrka aan idinla rabin
The dream indicates that you and your husband will have a good life, and the love between you will grow, but many relatives and acquaintances will be annoying and jealous of you. Beware of enemies who do not wish you well.
