Site icon Daruur درور

Riyada gabar ari kaxaynaysa oo meel ku xaraysanysa

Su’aasha:

Asc wllo adbad u mahadsan tahay waxn ku riyodey anigo adhi wado xili habenimo ah wan xareyey ama melban ku oodey riyadan wey iguso noqnoqta xaleyban ku riyodey mudo kadib anon arag.

Riyada gabar ari kaxaynaysa oo meel ku xaraysanysa
Riyada gabar ari kaxaynaysa oo meel ku xaraysanysa

Jawaabta:

Riyada waa riyo aad u fican waxay tilmaamaysaa inaad noqon doonto qof mas’uul ah oo laga dambeeyo ama meel maamul looga dhiibayo, haddaad tahay gabar doob ah waa lagu guursan doonaa haddii Alle idmo, waxaana ku guursan doono qof hanti leh waxaad u dhali doontaa ubad badan oo aad si fiican u daryeeli doonto, haddii aad tahay qof xaas ahna waa khayr badan guriga kuu imaanaya, ubad badan iyo mas’uuliyad iyo barako iyo barwaaqo badan ayaad heli doontaa.

Riyada waa riyo bishaaro ah oo khayr badan wadata, ariga waa wax aad u fiican marka riyo lagu arko siiba qaabka adiga aad u aragtay oo ah kaxaynta iyo xaraynta.

الحلم هو حلم جيد جدا فهو يدل على أنك ستكون شخصا مسؤولا خلفك أو مكانا للإدارة، إذا كنت شابة فسوف تتزوج إن شاء الله، والزواج يكون  من شخص ثري سيكون لديك الكثير من النسل وسوف تعتني بهم جيدا، إذا كنت شخصا متزوجا فمن الأفضل أن تعود إليك إلى المنزل، سيكون لديك المزيد من النسل والمسؤولية والمزيد من البركات والازدهار.

 حلم الأخبار الجيدة ، والحلم هو شيء جيد جدا عندما ينظر إلى الحلم بالطريقة التي رأيتها بها في شكل القيادة الرعاية والصون.

Exit mobile version