Riyada diyaarada dhaceyso iyo nibiri badda kasoo baxayo
Su’aasha:
Asc walaalaha Daruur Shaqo aad u wanaagsan ayaad inoo haysaan aniga waxaan wataa Laba su,aal mid riyo ah iyo mid Tala ah labada si dhaqsa ah inaad iiga so jawaabtaan ayaan idinka codsanayaa Laba post ayaana kasoo kala dhigayaa
Waxaan ku riyooday aniga oo meel xeeb ah joogo Waliba waxaan umaleenayaa in meel aan Somalia aheyn oo Africadan kale ah joogo garoon diyaaradeed ayaa meesha kuyaal Diyaarad ayaa ka kacday garoonka Si deg deg ah ayey cirka kor ugu baxday waxyar markay socotay gadaal gadaal usoo dhacday oo Bada ku qaraxday aniga niyada waxaan iska dhahay inaa duubato ayey aheyd diyaaradii markay dhacday way qaraxday Nibiri hoos ku jiro ayaa Soo baxay oo dadka inuu Cuno rabo nibiriga Wuxuu ahaa mid Wayn oo sida kuwa filimada lagu jilo oo kala ah dadkii goobta joogay dhan way kala carareen anigana dadkii ordayey ayaan ku jiray Nabiriga gacanta ayuu Soo tagay gacantiisa way na kor martay ilaa laamiga dadka marayey ayey gaartay anagana dhaxda ayaan ku jirnaa waxaan doonayaa in aan gees uga baxo nibiriga gacantiisa ayaa kor dhan naga qabsatay waxaan doonayaa in Riyada si dhaqsa ah la igu soo fasiro maxaayeelay gabar walaashay ah iyadana xalay waxay ku riyootay riyo teyda cml ah aniga iyo iyada oo Xero Wayn oo amisom joogto kujirna in Diyaarad Helicopter ah aysoo dhaceyso oo ay cabsanayso in ay nagu Soo dul qaraxdo aabe ayaan usheegnay Wuxuu inagu dhahay Riyada Diyaarada dhaceyso ma wanaagsana
Guud Riyada Diyaarada dhaceyso maxay tahay.
