Riyada cunto agtaada lagu cunayo aadan wax ka cunin

Su’aasha:

Asc walaal waxaan ku riyooday habeen dhaxdaas anoo guri dariskeena wax laga cunaayo anna aan ka xishoonaayo hadana raashiinka cid soo cun igu dheheyso majirin anigana arintaas ayaa ciil badan iga hayey, maxaa lagu fasiri karaa riyadaas oo kale wllo.

Riyada cunto agtaada lagu cunayo aadan wax ka cunin
Riyada cunto agtaada lagu cunayo aadan wax ka cunin

Jawaabta:

Riyada cuntada la cunayo adoo aan wax lagaa siinin waxay tilmaamaysaa in in aad waqtigaaga ku lumin doonto waxyaabo aan qiime kuu lahayn, iyo inaad ka tagi doonto waxyaabaha guusha kuu keeni kara, sidoo kale in maskaxdaada ay wax badan ka buuxaan oo kalatagsan mana gaari karo dantiisa muhimka u ah.
Marka waxaa la dhihi karaa riyadan waa riyo digniin ah waxaa lagaaga baahan yahay inaad ku dadaasho wanagga iyo wixii dantaada ku jirto yuuna waqtiga kaa lumin.
Cuntada aad u baahan tahay riyada dhexdeeda oo aadan cuni karin waxay matalaysaa waxyaabaha noloshaada ku muhimsan illeen raashiinka waa sababta nolosha haddii qofka uu cunto waayo nolosha wuuba waynayaa.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More