Riyada cuntada laga helayo qof dhintay
Su’aasha:
ASC
Dhamaan hawl wadaneeda pagkan waan salaamay, salaan ka dib waxaan jeclahay inaad ii fasishaan riyo aan xalay ku riyooday. Waxaan ku riyooday nin suldaan ah, oo aan garanaayo laakiinse imikan aan noolayn ayaa cunto i siiyey cuntadaasi waxay ahayd cunto caydhin oo isugu jirta, Bariis, Baasto iyo Caane boodhe. Niman qaraabadiisa ah ayuu igu balamiyey oo ku yidhi ninkaa cuntaada siiya, nimankii ayaa markaa i kaxeeyey oo cuntada meel ay dhigeen iiga soo saaray.
