Riyada cabsida leh maxay calaamad u tahay

Dreams Timorousness and its impact on human

Waxaa la sheegay qofka la sixray ama il hayso wuxuu arkaa riyooyin cabsi badan leh.
riyooyinkaas oo ah kuwa aan loo adkeysan karin qofka hurdada ayuu kasoo boodaa wuxuuna dareemayaa naxdin jirkiisana wuxuu ka arkayaa dhidid badan

Sixirka qofka qaababa badan ayuu uga soo muuqanayaa, waxaa ka mid ah riyada naxdinta leh.
wuxuu arkaa qofka waxyaalo aan suurtagl ahayn, madax go’san oo ordaya ama isagoo dhiig cabbaya ama isagoo madaxiisa la gooyay dabada ordaya, ama isagoo meel fog laga soo tuuray.
riyada sixirka tusto waa mid aad usoo noqnoqota.
waxaa riyadaas sabab u ah shaydaanka sixirka la shaqeeya oo qofka sixiroolaha soo diray.

Riyada cabsida leh maxay calaamad u tahay
Riyada cabsida leh maxay calaamad u tahay

saan ognahay sixirka waa arrin diinta khilaafsan qaarkii wuxuu gaaraa galnimo marka uu la xiriiro shaydaan ama shirki.

haddii aad isku aragto riyoyinka cabsida leh waxaa lagaaga baahan yahay, inaad Qur’aan isku akhriso iyo adkaarta Nabiga SCW kasoo aroortay, shaydaanka aad buu uga cabsadaa Quraanka.
Riyada cabsida leh mararka qaarkooda qofka waxay ka dhigaysaa qof naftiisa halis galinayo, cabsi daraaddeeda ayuu u noqonayaa mid jirran oo cuntada ka fogaanaya, jirkiisa wuu daciifaa, adduunka oo dhan ayaa la xumaanaya.
hurdada waa meesha lagu nasto qofka marka uu soo daalo, haddii qofka si joogto ah uu u arkayo riyo xun wuxuu nacayaa hurada mar kaste uu sariirta tago wuxuu soo xusuusanayaa riyada maskaxdiisa ku sawirantay.
marka haddaad aragto riyo naxdin leh oo kugu soo laablaabanayso ogow inaad u baahan tahay Quraan iyo duco iyo cibaadada inaad ku dadaasho.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More