Riyada cabsida leh maxay calaamad u tahay
Dreams Timorousness and its impact on human
Waxaa la sheegay qofka la sixray ama il hayso wuxuu arkaa riyooyin cabsi badan leh.
riyooyinkaas oo ah kuwa aan loo adkeysan karin qofka hurdada ayuu kasoo boodaa wuxuuna dareemayaa naxdin jirkiisana wuxuu ka arkayaa dhidid badan
Sixirka qofka qaababa badan ayuu uga soo muuqanayaa, waxaa ka mid ah riyada naxdinta leh.
wuxuu arkaa qofka waxyaalo aan suurtagl ahayn, madax go’san oo ordaya ama isagoo dhiig cabbaya ama isagoo madaxiisa la gooyay dabada ordaya, ama isagoo meel fog laga soo tuuray.
riyada sixirka tusto waa mid aad usoo noqnoqota.
waxaa riyadaas sabab u ah shaydaanka sixirka la shaqeeya oo qofka sixiroolaha soo diray.
