Riyada askariga iyo sawirka la qaadayo

Riyada:

Waxan waday sawir yar sawirku nin buu ahaa waxaanu wada soconay hooyo markii aan kasoo tagay ayay ila soo hadashay waxay idhahday sawirkii ayan u baahanahay ee iiso sawir Ana waxan galay meel shaaha lagu cabo meeshuna isbitaal ayaa kudhex yaalo meeshu waa meel qurux badan oo wadanku waa wadan kale dadkuna waa dad cadaan ah kadib ninkii dadka qaxwada u gaynayay ayaanu is qabsanay oo anigu mesha inaan wax cuno uma soo galin waxan usoo galay si aan sawirkas u sawiro oo hooyo u diro ninkii waan is af gaarnay sawirkii aan haystay ayuu iga qaatay meeshi dad kale ayaa isku dagaalay waxanba arkaa walashay oo ila socoto aniguna hoyo ayan wacay oo dhahay askarta somalida ayaa meel halkan ah taagan iyagan ugu yeedhaya anigoo socdo nin kale oo ajanabi ah oo askari ah ayaa iga hor yimid wax walba ayan u sheegtay wuu isoo raacay ninkii ayuu iga celiyay miyuu dilay mise wuu xidhay ma aqaan sawirkii ayan hoyo usawiray inta uu dagalku socday marba meel baan sawirayay mana aqaan waxan ka rabay oo hoyo ayan u dirayay saa waxan arkaa hadana maalin kale oo cusub iyo anigoo ninkii askariga ah lasocdo waan isla qabsanay xooga kuma qanacsanen hadana maan Rabin inaan niyad jabiyo markan arkay siduu igu yahay saa dadka oo dhan ayaa odhan jiray ninkii askariga ahaa oo laga wada baqan jiray gabadhaas ayuu la socdaa ee yaan lala hadlin camal adi dadkii ayan daremaya inay ninkas dartiis iiga baqayan bal maxay noqon kartaa riyadan ninku wuxu u ekaa nin dheer oo murqo waa wayn leh markan ag istaagsanahay buur inay iga dambeeso oo kale ayan daremayay kalsooni aad u wayn sidii in cidna wax iga qaadi Karin isaguna sidii inuu i ilaalinayo wuu idaba Soconayaa xagayga dambe ayuu istaagayaa oo hooskisa wayn ayan qoraxda iga qabanayso

Riyada askariga iyo sawirka la qaadayo
Riyada askariga iyo sawirka la qaadayo

Fasirka:

Riyada waxa badan ayay wadataa, waxaa ku jiro dood iyo dagaal aad la kulmi doonto.

sidoo kale qof inaad heli doonto oo garabkaaga taagan oo ku difaacaya oo ku caawinaya.

Qofkaasna waa qof nin ah oo awood leh, dadka ay ka baqayaan.

guud ahaan riyada waa riyo bishaaro kuu ah.

 

Riyada ciidanka halkan ka daawo

 

The dream has many meanings, including arguments and fights that you will encounter.

You will also find someone who will stand by your side, protect you and help you.

That person is a powerful man, someone people fear.

Overall, the dream is a good omen for you.

Leave a Reply