Riyada anoo fuulay geed dheer Riyooyinka - Dreams By mahamed karaamo On May 6, 2021 311 0 Su’aasha: Asc ilaahay ha idin ilaaliyo marwalba 1 waxaan ku riyooday Aniga oo lajooga rag badan waxanay ka cabanayeen xanuuno mid ka mida ayaa igu yidhi waxaa I xanuunaya cunaha waxan raba inla iqalo ana waxan ku idhi mafiicna qaliinka cunuhu ee haku dagdagin Hala ogaado waxa Keenaya xanuunka Kabacdi ayuu waxuu isiiyay laba warqadood oo lacag oo mid yahay 5000 oo riyaal guud ahaan 10,000 oo riyaal Waxaanu igu yidhi daawo iisoo samee ana lacagtii waan qaatay wiil ilasocdaan 5000 siiyay kabacdi anoo socda ayaa waxaa naga hortimid gabadh yar oo qoslaysa Wayna raacday waxaan fuulay geed dheer oon dawada kasoo gurayay lkn dadbadan baa nagu soo ururay meeshiina buuq ayay noqotay Allah mahadle. Riyada anoo fuulay geed dheer Jawaabta: Riyada waxay tilmaamaysaa dadka kalsoonida ay ku siiin doonaan mustaqbalka, qofka xanuunsan oo lacag kuu dhiibay si aad daawo ugu keento waa kalsooni weyn, marka fuulidda geedkana waa sarrayn aad heli doonto, riyada waxay tilmaamaysaa mustaqbalka qiimaha leh aad yeelan doonto iyo kalsoonida ay dadka ku siin doonaan, daawadana waa waxa aad bulshada u qaban doonto. Riyada Koridda GeedkaRiyada Lacag BadanRiyada Lacagta 0 311 Share