Riyada anoo dayr wayn dhexjooga oon dhakhtar wayn ku dhexyaalo ahay
Su’aasha:
Asc waadku mahadsan tihiin sida fiican dagdag badan eed noogu soo jawaabaysaan ilaahay ha idin xafido
Asc waxaan ku riyooday aniga oo jooga dayr aad u wayn oo uu ku dhexyaalo cusbitaal aad wayn aadna u qurux badan guri kaloo Wayna dayrkuu dhex yaalay intaba anaa lahaa ana aan ahay dhakhtar wayn oon aad u faraxsanahay ayaa waxaa joogay Meesha dayrkuu waa mid aad u balaadhane dhinaca kale ayaan tagay waxaan KA waraabinayay barkad ku dhextaala geel Fara badan aniga iyo wiil ila dhashay oon isku aabo nahay Allah mahadle.
