Riyada anigoo wiil saaxiibo nahay kitaabka Quran ka siinaya

Su’aasha:

Asc ilaahay ha idin ilaaliyo Allahuma aamiin

xalay ayaa waxanku riyooday wiil aanu sxbo nahay oo khadar layidhaa ayaa iiyimid waxuu igu yidhi lacag ayaan rabaa isii waxanku idhi saxuurtii baa soo dhawe xiligan lacagta maxad ku falaysaa waxuu igu yidhi jaad ayaan rabaa inaan soo iibsato
waxan ku idhi jaadka iskadaa inta suxuurta ka hadhay akhriso Quran taasi waa barakee
waxuu igu yidhi waa runtaa waan akhriyaye lakiin kitaab mahayso waakan kitaabkan qaado kitaabkii ayaan kala furay waliba waxaan ku idhi waa xaashiyo case indhaha u roon qaado anuu midkan kalaan haystaa caawaba waxaan akhriyay laba jis iyo badh
taasina waa runtayoo xalay intaanan seexan waxaan akhriyay laba jis iyo badh ama suratul baqarah
Allah mahadle.

Anigoo wiil saaxiibo nahay kitaabka Quran ka siinaya
Anigoo wiil saaxiibo nahay kitaabka Quran ka siinaya

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa inaad noqon doonto qof wanaagsan oo saalix ah oo caalim ah oo diinta Ilaahay dadka ku wajaha oo umadda khayr ugu yeeraya riyada way iska caddahay inay tahay riyo aad u wanaagsan waa khayr iyo bishaaro waad liibaani doontaa adiga inshaa Allaah.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More