Riyada aniga iyo madaxwaynaha oo hal wada lisayna

Su’aasha:

Asc waad ku mahadsantihiin sida fiican ee dagdaga ah eed noogusoo jawaabaysaan nooguna fasiraysaan riyooyinka yaga ilaahay Haidin xafido
waxan ku riyooday aniga iyo madaxwaynaha wadanka aan joogo oo hal wada lisayna kadibna caanihii wadaagayna kadibna Meeshanu hasha ku lisaynay guri ku yaalay oon filayo inay yihiin xaafadii hasha lahaa ayaanu gurigii hore u galnay qol aad u wayn oo nadiifiyay ayaa badhtanka waxaa taala xeedho wayn oo uu kabuuxo cuud Shidan oo aad u udgoon oo si qurux badan loogu habeeyay ama lagusoo wareejiyay xeedhada dhexdeeda ayaanu aniga iyo madaxwaynaha midba dhinac kasoo fadhiistay oo anoo aad u faraxsan oo qoslayna wada fadhinay.

Riyada aniga iyo madaxwaynaha oo hal wada lisayna
Riyada aniga iyo madaxwaynaha oo hal wada lisayna

Jawaabta:

Riyada dhowr macne ayay xambaarsan tahay, waxay tilmaamysaa adiga inaad heer sare gaari doonto inaad noqon doonto qof caan ah ama masuul weyn ah, sidoo kale nolol cusub inaad gali doonto, teeda kale waxay tilmaamysaa riyada dalka inuu noqon doono mid nabad iyo barwaaqo leh, waa riyo bishaaro ah, hasha geel waxay astaan u tahay barwaaqo iyo bashbash.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More