Riyada aabbo iyo faraantiyo aan mid ka dooranayo
Riyada:
Asc sh. Horta abahay ilahay ha u naxriiste waanku riyooday waxanu joognay isbitaal Wayn sidaan ka fahmayna isbitaalkas aabo ayaa iska lahaa.
Hadaba aniga iyo maamada bahda kale dhashay ayaa xooga waan is yara maagnay aabo ayay igu dirtay Ana aabo ayan been u shegaya oo leyahay abo waa beented waxna kuma odhan aabo sidaa ayuu igu aaminay kadib gabar ayaa faraantiyo miiska ku daadinaysay aabo ayaa dhahay u qaybi caruurtayda dhan farantiyadan aniga ayaa dhahay aabo inta aan la qaybinin faraantiyada mid ayaan uugu jeclaaday ee makala baxaa aabahayna Haa ayu idhahay aniguna waan kala soo baxay mid midabkiisu dahabi yahay oo dhibic yaroo cagaaran leh markas ayan aabo ku leeyahay aabo isoo eeg sidan uugu qurux badnaaday aabbe waa qurux aabo ayu idhahay intaa kadib aabo wuu ii yeeray meel baanu isla tagnay kaligeen wuxuuna igu dhahay
Aabo adigaa inantaydii ah ee ka waran hadaad Hooyo caawa iigu yeerto si aan u heshiino waan casuumi lahaa aniguna waxan dhahay aabo anigaa casho qurux badan idin diyaarinayo ee guriga kaalay haye ayuu dhahay aabo kadib gurigii ayaan tagay anigu hooyo ayaan arintii u sheegay hooyo waxay dhahday anigu u tagi mayo abaha ee warkisa igadaa markaas hoyo timaheda ayan fiiriyay mise waabay go.an yihin timuhu way iska yara gaagabisay adigu mawduucii way iga yeeshay marki dambe oo waxan dhahay anaa casho idin samenayo markas Bay tiri hoyo haye ee anigu abaha wuxu shegayo uunban ka dhagesanaya waana kasoo tagayaa aniguna haye ayaan dhahay.
Sh sida ugu saxsan iigu fasir qaabkay u dhigan tahayba iigu fasir mahadsanid

Fasirka:
Riyada waxay tilmaamaysaa rag badan adiga guur kaa rabo oo aad ka dooran doonto midka aad ka hesho.
Waxaa laga yaabaa hooyadaada inaysan raalli ka noqon doonin ninka adiga aad doorato.
Ragga qaar waxay kasoo jeedaan dhinaca reerka aabbhaaga ama qaraabad idin dhow ayay ka mid yihiin.
Riyada faraantiga halkan ka daawo
The dream indicates that there are many men who want to marry you and you will have to choose the one you get.
Your mother may not approve of the man you choose.
Some men are from your father’s side of the family or are close relatives.
