Site icon Daruur درور

Quraanka siduu walwalka u daaweeyo qiso dhab ah

 Quraanka siduu walwalka u daaweeyo qiso dhab ah

Culaysyo badan oo dhinacyada nolosha ah ayaan si maalinle ah u dareemayay, inkastoo aanan dhihi karin dhibaatooyin waawayn ayaa I haystay hadana sidaasoo ay tahay marar badan waxaan dareemi jiray diiqad,welwel , walbahaar iyo rajo xumo. Laba waqti ayaan dareemi jiray daganaasho iyo farxad; marka aan masjidka aado ee aan salaadda

Quraanka siduu walwalka u daaweeyo qiso dhab ah
Quraanka siduu walwalka u daaweeyo qiso dhab ah

 soo tukado iyo marka aan xaaskayga ama familkayga wakhti laqaaadanayo, labadaa jeerba waxaan dareemi jiray daganaasho iyo rajo. Lkn intaasi igumay filnayn marwalba oo aan kaliday noqdana waxan gali jiray mawjadaha welwelka iyo cabsida. Waxan ka fikiray sidaan uga bixi lahaa dhibkan ihaysta,  kadib waxaan go,aan ku qaaatay inaan bilaabo akhriska qur,aanka kariimka ah, run ahaantii go,aankaasi wuxu ahaa mid 100% saxan ilaahaybaana I waafajiyay. Kalaamkii ilaahay inaan akhriyo ayaan bilaabay,intaa waxa dheer inaan qur,aanka micnihiisana aan waxbadan ka fahamsanaa taasi waxay keentay inaan macaanida kala duwan ee qur,aanka aan si fiican u dhuuxo. qalbigaygii ayaa qabooobay, niyaddii ayaa ii dagtay, welwelkii iyo walbahaarkii waxa ii baddalay dareen farxadeed iyo rajooyin badan, aduunyadii oo dhan ayaa iila muuqatay wax aan micno badan lahayn oo aan u qalmin in la isku daaliyo, aakhiro ayaan jeclaystay, daqiiqad walba oo aan fursad helo waxaan jeclaysanayay inaan kitaabka kala furo oo aan bilaabo inaan akhriyo Kalaamka qiimaha badan ee ilaaahay. Aayadaha qaarkood markaan akhriyayo maan dhaafi karayn in badan ayaan ku celcelin jiray anigoo si buuxda u sawiranaya muuqaalka ay ka hadlayaan iyo awoodda Ilaahay ee ay muujinayaan, iimaan ayaana iigu ziyaadayay. Waxan xasuustaa mar aan akhriyay aayado ka hadlaya sida ilaahay roobka usoo dajiyo ee uu dhulka ugu noolaysiiyo intuu dhintay kadib, waxyar kabacdi waxaa dhagahayga kusoo dhacay onkod iyo Hillaac,daqiiqado yar kadibna roob ayaa darrooray. Akhriskii qur,aanka ayaan joojiyay, kadib banaanka ayaan u baxay roobkii oo da,aya, gacantayda ayaan fidiyay anigoo raba inaan dareemo dhibcaha qabaw ee roobka ee naxariistu ku dheehantahay, waxay maskaxdaydu dib usoo celisay aayadihii qur,aanka ahaa ee aan akhriyay ee ilaahay uu kaga hadlayay roobka waxanan is arkay anigoo dhextaagan roobkii oo da,aya indhahayga illin ayaa kusoo istaagtay!Ilaahay yaa ka run badan? Jawaabtu waa cidna.

Qisadani maaha mid male awaal ah oo aan maskaxdayda ka abuurtay lkn waa xaalad dhacday oo aniga isoo martay, hadii aad maalin uun dareento murug,welwel, rajo xumo iyo quuus waxaan kugula talinayaa inaad qur,aanka akhrido hubaal waad ka bixi doontaa xaaladdaa insha allah.

— Armaan

Baruurta caloosha iyo tan jirka isku mid miyaa

I felt a lot of stresses in life on a daily basis, although I could not say that I had great problems and so I often felt stress, anxiety, sadness and hopelessness. I used to feel calm and happy at two times; When I went to the mosque and prayed and when I was spending time with my wife or family, I both felt calm and hopeful. But this was not enough for me, and I was always alone, and I was in the waves of anxiety and fear. I thought about how to get out of this problem that I have, then I decided, I took it upon myself to start reading the Qur’an, in fact cut it off, that was 100% a plate and Allah made it easy for me. I began to recite the word of Allah, in addition to understanding the meaning of the Qur’an, which led me to dive into the various sweets of the Qur’an. My heart has cooled, my mood has subsided, the anxiety and sorrow have turned into a feeling of joy and hope, all over the world seemed to me to be meaningless and not worthy of being tired, I loved the Hereafter, every moment I had the opportunity I wanted to open the book and start reading the precious Words of my God. When I read some of the verses, I could not forgive them, I repeated them a lot, fully imagining the image they were talking about and the power of God that they were showing, and faith was ingesting to me. I remember when I read verses about how Allah sends down the rain and revives the earth after his death, a short time later my ears were hit by thunder and lightning, and after a few minutes it rained. I stopped reading the Qur’an, then I went outside for the rain, and I stretched out my hand wanting to feel the cold drops of the rain with mercy, my mind turned back to the verses of the Qur’an that I had read in which Allah spoke of the rain. I saw myself in the standing of the rain, and my eyes were filled with tears. Who is truer than God? The answer is no one.

This story is not an assumption that I have created in my mind, but it is a situation that has happened and I have experienced it. If you feel sadness, anxiety, hopelessness and sorrow one day, I advise you to read the Koran and you will surely get out of that situation.

 

Exit mobile version