Qorraxda miyaa wareegta mise dhulka Does it revolve around the sun or the earth
Su’aasha:
Asc bahda daruur, een qur’aanka Kariimka waa Hadalkii Eebe ( cazza wajalla) wuxuuna inoo tilmaamay in ay qurraxda ay socoto, halka technology-yiinta sida NASA ay leeyihiin qorraxdu ma samayso movement lkn waxaa sameeya movement waa Dhulka ee qurraxdu hal meel ayey taagan tahay?
Aniga waan aamini la ahay , haddii aad aqoon iga dheertihiin wll iiga kaalmeeya arintaasi mahadsanid
Jawaabta:
Marka hore qofka waa inuu ogaadaa koonkan inuu abuuray Ilaahay (SCW) waana ilaaha kaliya cibaadada mudan waana ilaaha soo diray anbiyada oo dhan waana ilaaha soo dejiyay kutubta oo dhan, marka taas qofka uu ogaado wax kaste oo qaldan wuu dareemi karaa.
Marka aan u noqono abuurista koonka, Ilaahay baa nooga sheekeeyay habka loo abuuray, taasna ayaan rumaysan nahay, waxyaalaha kasoo haray waxba haksoo qaadin.
Dadka laga soo bilaabo waqti nabi aadan (CS) ilaa lagasoo gaaro qarniyadan ugu dambeeyay waxay ka aaminsanaahyeen koonka sida ay diintu ka aaminsan tahay, xataa diinta yahuudda iyo midda kirishtaanka laftooda waxay ka aaminsanaayeen koonka sida ay diinta islaamka ka aaminsan tahay.
Markii reer galbeedka ay bilaabeen inay diimaha diidaan oo ay calmaaniyad madaxa la galaan oo insaanka ay dhigaan ilaah waxaa dhacday in laga leexdo waddada saxda ahayd ee laga aaminsanaa koonka.
Waxaa la bilaabay in dadka laga habaabiyo dhabta, NASA iwm. hadafkaas ayaa loo sameeyay, waxaa la baddalay fikirka dadka ay ka aamisanaayeen koonka iyo dhulka iyo cirka, heer xataa ay gaareen been inay adeegsadaan.
Sheekada halkan laguma soo koobi karo laakin waxaa sugan in dhulka uusan wareegsanin dhulkana uusan ahayn habka ay sheegaan, space wax la dhahaayana inuusan jirin, waxaa jira cir oo ilaalsan albaabo leh.
Quraanka in badan ayuu tilmaamay dhulka iyo cirka iyo qorraxda iyo dayaxa aayadaan ayaa ka mid ah:
Aayadaha socodka qorraxda iyo deganaanta dhaulka
﴿ وَالشَّمْسُ تَجْرِي لِمُسْتَقَرٍّ لَهَا ذَلِكَ تَقْدِيرُ الْعَزِيزِ الْعَلِيمِ ﴾ سورة يس آية 38.
(Aayaddan way cadday fasir kale uma baahna)
Aaayado kale sheegay in dhulka uu sugan yahay oo ay qorraxdu soconayso
﴿ أَلَمْ تَرَ إِلَى الَّذِي حَاجَّ إِبْرَاهِيمَ فِي رَبِّهِ أَنْ آَتَاهُ اللَّهُ الْمُلْكَ إِذْ قَالَ إِبْرَاهِيمُ رَبِّيَ الَّذِي يُحْيِي وَيُمِيتُ قَالَ أَنَا أُحْيِي وَأُمِيتُ قَالَ إِبْرَاهِيمُ فَإِنَّ اللَّهَ يَأْتِي بِالشَّمْسِ مِنَ الْمَشْرِقِ فَأْتِ بِهَا مِنَ الْمَغْرِبِ فَبُهِتَ الَّذِي كَفَرَ وَاللَّهُ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ ﴾ البقرة 258.
(ka warran kii kula murmay Nabi Ibraahim Eebihiis, (waa Namruud) in Eebe siiyay xukun markuu Nabi Ibraahim yidhi Eebehay waa Nooleeye Dile, maarkaa yidhi (Gaalkii) amba waan nooleeyaa oon dilaa, markaas Nabi Ibraahim yidhi Eebe wuxuu ka keeni Qoraxda Bari ee ka keen Galbeed, markaasaa la wareeriyay (oo aamusay) kii gaaloobay, Eebana ma hanunniyo Qoom daalimiin ah).
﴿ وَتَرَى الشَّمْسَ إِذَا طَلَعَتْ تَزَاوَرُ عَنْ كَهْفِهِمْ ذَاتَ الْيَمِينِ وَإِذَا غَرَبَتْ تَقْرِضُهُمْ ذَاتَ الشِّمَالِ وَهُمْ فِي فَجْوَةٍ مِنْهُ ذَلِكَ مِنْ آَيَاتِ اللَّهِ مَنْ يَهْدِ اللَّهُ فَهُوَ الْمُهْتَدِ وَمَنْ يُضْلِلْ فَلَنْ تَجِدَ لَهُ وَلِيّاً مُرْشِداً ﴾ الكهف 17.
(waxaad arkaysaa Qorraxda oo markay Dhalato uga iilan Godkooda xagga Midig, markay dhicina ka Gooyn xagga bidix iyagoo ku sugan Meel Waasac ah oo Godka, taasina waxay ka mid tahay Aayaadka Eebe, Ruuxuu hanuuniyo Eebe unbaa hanuunsan, Ruuxuu Dhumiyana u helimaysid Gargaare hanuuniya).
﴿ أَقِمِ الصَّلَاةَ لِدُلُوكِ الشَّمْسِ إِلَى غَسَقِ اللَّيْلِ وَقُرْآَنَ الْفَجْرِ إِنَّ قُرْآَنَ الْفَجْرِ كَانَ مَشْهُوداً ﴾ الإسراء 78.
(Oog salaadda markay Qorraxdu suusho Ilaa madawga Habeenka iyo Quraanka (Salaada) waabariga (subaxa) Quraanka waabariguna waa mid la Joogee (Malaa’igta)).
(اللَّهُ الَّذِي رَفَعَ السَّمَاوَاتِ بِغَيْرِ عَمَدٍ تَرَوْنَهَا ۖ ثُمَّ اسْتَوَىٰ عَلَى الْعَرْشِ ۖ وَسَخَّرَ الشَّمْسَ وَالْقَمَرَ ۖ كُلٌّ يَجْرِي لِأَجَلٍ مُّسَمًّى ۚ يُدَبِّرُ الْأَمْرَ يُفَصِّلُ الْآيَاتِ لَعَلَّكُم بِلِقَاءِ رَبِّكُمْ تُوقِنُونَ ﴿٢﴾)
(Eebe waa kan koryeela Samooyinka Tiir La’aan aad Aragtaan Markaas ku istiwooday Carshiga, Sakhirayna Qorraxda iyo Dayaxa Dhammaana waxay ku socdaan Muddo magacaaban, Eebaa maamula amarka Caddeeyana aayaadka Inaad la kulanka Eebihiin yaqiinsataan).
(وَآيَةٌ لَّهُمُ الْأَرْضُ الْمَيْتَةُ أَحْيَيْنَاهَا وَأَخْرَجْنَا مِنْهَا حَبًّا فَمِنْهُ يَأْكُلُونَ ﴿٣٣﴾ وَجَعَلْنَا فِيهَا جَنَّاتٍ مِّن نَّخِيلٍ وَأَعْنَابٍ وَفَجَّرْنَا فِيهَا مِنَ الْعُيُونِ ﴿٣٤﴾ لِيَأْكُلُوا مِن ثَمَرِهِ وَمَا عَمِلَتْهُ أَيْدِيهِمْ ۖ أَفَلَا يَشْكُرُونَ ﴿٣٥﴾ سُبْحَانَ الَّذِي خَلَقَ الْأَزْوَاجَ كُلَّهَا مِمَّا تُنبِتُ الْأَرْضُ وَمِنْ أَنفُسِهِمْ وَمِمَّا لَا يَعْلَمُونَ ﴿٣٦﴾ وَآيَةٌ لَّهُمُ اللَّيْلُ نَسْلَخُ مِنْهُ النَّهَارَ فَإِذَا هُم مُّظْلِمُونَ ﴿٣٧﴾ وَالشَّمْسُ تَجْرِي لِمُسْتَقَرٍّ لَّهَا ۚ ذَٰلِكَ تَقْدِيرُ الْعَزِيزِ الْعَلِيمِ ﴿٣٨﴾ وَالْقَمَرَ قَدَّرْنَاهُ مَنَازِلَ حَتَّىٰ عَادَ كَالْعُرْجُونِ الْقَدِيمِ ﴿٣٩﴾ لَا الشَّمْسُ يَنبَغِي لَهَا أَن تُدْرِكَ الْقَمَرَ وَلَا اللَّيْلُ سَابِقُ النَّهَارِ ۚ وَكُلٌّ فِي فَلَكٍ يَسْبَحُونَ)
(Waxaa calaamo u ah dhulka dhinta (abaarooba) oon noolayno kana soo bixino midho ay wax ka cunaan. * Waxaana yeellay dhexdiisa beero Timir iyo Cinabyo ah, waxaana ka dillaacinay dhexdiisaa ilo (Biyo ah). * Si ay u cunaan midhihiisa iyo waxay camal faleen gacmahoodu, miyeyna mahdinaynin Eebe. * Waxaana nasahana Eebaha abuuray noocyada dhamaanteed oo ah waxa dhulka soo dhaliyo iyo naftoodaba iyo wax ayna ogayn. * Waxaaa dadka calaamo ugu filan habeenkaan Maalinta ka soo siibno, oo markaas ay mugdi galaan Dadkii. * Qorraxduna waxay ku orodaa meelay leedahay, taasina waa qadaraadda Eebaha adkaada ee waxwalba og. * Dayaxana waxaan u qadaray (u yeelay) meelo uu ku hoydo intuu ka noqdo sida laan gabowday oo kale. * Qorraxdana uma suurowdo inay haleesho Dayaxa Habeenkana uma suuroowdo inuu maalinta ka hormaro, mid kastana falagiisuu dhex dabaalan).
﴿ وَأَلْقَى فِي الأَرْضِ رَوَاسِيَ أَنْ تَمِيدَ بِكُمْ وَأَنْهَارًا وَسُبُلاً لَّعَلَّكُمْ تَهْتَدُونَ ﴾ (النحل 15)
(Wuxuuna ku riday (sugay) Dhulka buuro inayna Idinla iilan (wuxuuna yeelay) wabiyo iyo Wadooyin inaad ku toostaan).
﴿ خَلَقَ السَّمَاوَاتِ بِغَيْرِ عَمَدٍ تَرَوْنَهَا ۖ وَأَلْقَىٰ فِي الْأَرْضِ رَوَاسِيَ أَن تَمِيدَ بِكُمْ وَبَثَّ فِيهَا مِن كُلِّ دَابَّةٍ ۚ وَأَنزَلْنَا مِنَ السَّمَاءِ مَاءً فَأَنبَتْنَا فِيهَا مِن كُلِّ زَوْجٍ كَرِيمٍ ﴾ ( لقمان 10)
(isaga abuuray Samooyinka Tiir aad aragtaan la’aantiis, dhulkana wuxuu ku tuuray Buuro (suga) inayan dhaqdhaqaaqin, wuxuuna ku fidiyey dhexdiisa daabad kasta, Samadana waxaan ka soo dejinay Biyo, waxaana ku soo bixiney nooc kasta oo quruxsan).
﴿ أَلَمْ نَجْعَلِ الْأَرْضَ مِهَاداً وَالْجِبَالَ أَوْتَاداً ﴾ النبأ 6 و 7.
(Miyaannaan Dhulka gogol ka yeelin. * Buurahana Rukummo (ka yeelin).
﴿ وَالْأَرْضَ مَدَدْنَاهَا وَأَلْقَيْنَا فِيهَا رَوَاسِيَ وَأَنْبَتْنَا فِيهَا مِنْ كُلِّ زَوْجٍ بَهِيجٍ ﴾ ق 7.
(Dhulkana waan waasicinnay waxaana ku sugnay Buuro, waxaana ka soo bixinnay dhexdiisa nooc kasta oo quruxsan).
﴿ وَهُوَ الَّذِي مَدَّ الْأَرْضَ وَجَعَلَ فِيهَا رَوَاسِيَ وَأَنْهَاراً وَمِنْ كُلِّ الثَّمَرَاتِ جَعَلَ فِيهَا زَوْجَيْنِ اثْنَيْنِ يُغْشِي اللَّيْلَ النَّهَارَ إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآَيَاتٍ لِقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ ﴾ الرعد 3
(Eebe waa kan Fidiyay Dhulka Yeelayna Dhexdiisa buuro, iyo wabiyo Midho kastana ka yeelay Dhexdiisa laba nooc Wuxuuna ku Dadaa Habeenkii Maalinta, Arrintaasna Calaamooyin yaa ugu Sugan ciddii fikiri).
Caalim ka mid ah culimadii hore oo la dhihi jiray Cabdulqaahir albaghdaadi oo dhintay 429 H. ayaa kitaabkiisa (الفرق بين الفرق) ku yiri:
(وأجمعوا على وقوف الأرض وسكونها، وأن حركتها إنما تكون بعارض يعرض لها من زلزلة ونحوها)
(Waxay isku raaceen dhulka inuu taagan yahay oo uu deggan yahay, dhaqaaqiisa wuxuu ka imaan karaa dhaco ku dhacayso zilzaal iwm.)
Wuxuu kaloo ku yiri kitaabkiisa (أصول الدين):
( فقال المسلمون وأهل الكتاب بوقوف الأرض وسكونها وإن حركتها إنما تكون في العادة بزلزلة تصيبها وبه قال جماعة من الفلاسفة منهم أفلاطون وأرسطاطاليس وبطليموس وإقليدس)
(Waxay dhaheen muslimiinta iyo ehlu kitaabka in dhulka taagan yahay dhaqaaqiisa caadi ahaan zilzaal ayuu ka dhashaa waxaa qaba arrintaas koox ka tirsan feylasoofyada waxaa ka mid ah Aflaadoon iyo Arasdaadaaliis iyo Badliymuus iyo Iglidiis)
Waxaa kaloo jira xadiis saxiix ah oo caan ah oo laga wariyay Abu Thar Alghifaari (RC):
(أتَدْرِي أيْنَ تَذْهَبُ؟ قُلتُ: اللَّهُ ورَسولُهُ أعْلَمُ، قالَ: فإنَّهَا تَذْهَبُ حتَّى تَسْجُدَ تَحْتَ العَرْشِ، فَتَسْتَأْذِنَ، فيُؤْذَنُ لَهَا، ويُوشِكُ أنْ تَسْجُدَ، فلا يُقْبَلَ منها، وتَسْتَأْذِنَ فلا يُؤْذَنَ لَهَا، يُقَالُ لَهَا: ارْجِعِي مِن حَيْثُ جِئْتِ، فَتَطْلُعُ مِن مَغْرِبِهَا، فَذلكَ قَوْلُهُ تَعَالَى: {وَالشَّمْسُ تَجْرِي لِمُسْتَقَرٍّ لَهَا ذَلِكَ تَقْدِيرُ الْعَزِيزِ الْعَلِيمِ})
(Ma og tahay halkey aadayso (qorraxda) wuxuu yir Alle iyo rasuulkiisa ayaa og, wuxuu yiri: waxay tagaysaa ilaa ay carshiga hoostiisa ku sajuuddo, idin ayay weyddiisanaysaa waa loo idmaa, waxaa soo dhow inay sujuuddo oo aan laga aqbalin, oo idin ay weyddiisato oo aan loo idmin, waxaa lagu oranayaa: ku laabo meeshaad ka timid, waxay kasoo baxaysaa meeshay u dhacdo. taasna waa oraahda Alle: {وَالشَّمْسُ تَجْرِي لِمُسْتَقَرٍّ لَهَا ذَلِكَ تَقْدِيرُ الْعَزِيزِ الْعَلِيمِ}.
Aayadahan oo dhan iyo kuwo kale badan waxay sheegayaan in dhulka sugan yahay oo uusan ahayn sida qorraxda iyo dayaxa oo kale, marka qofka muslinka waxaa laga rabaa inuu rumeeyo wixii Ilaahay uu soo dejiyay, ee maha waxyaabaha beenta ah oo xoog lagu faafiyay inuu qaato.
Markaad u noqoto kaartadaha hore ee dhulka waad dareemaysaa isbadal weyn inuu jiro wax badan in la rogay eeg kaartadan:
Halkan ayaad ka heli kartaa kuwo kale badan
Dayaxa mala tagay mise waa been la habeeyay