Qofkii dhaho hadaan sidaa sameeyo diinta islaamka ayaan ka baxay

Su’aasha:

Asc wll waxaan rabaa shalay ayaa xoogaa murunay hooyaday shay aan leeyahay ayay ka dhaaratay ana waxaan ka dhaartay lacag aan kulahaa oo labo bari ka bacdi i siin lahayd waxaan dhahay hadaan lacagtaas qaato diinta islaam ka waan ka baxay marka kafaara gudkaas soon saddex bari ah malee yahay mise waa bis
Mise ma dhihi karaa lacagta loo soo dirayo way badan tahay aniga oo taas ka dhaartay lkn iska kay sii lacag oo aan tii ahayn marka ii kala sax wll.

Qofkii dhaho hadaan sidaa sameeyo diinta islaamka ayaan ka baxay
Qofkii dhaho hadaan sidaa sameeyo diinta islaamka ayaan ka baxay

Jawaabta:

Marka hore ma ahayn inaad kula dooddo hooyadaada waxaas, marka kale waxaad ku qaldantay hadalka aad tiri oo ah haddaan sidaas sameeyo diinta islaamka ayaan ka baxay, waa qalad hadalkaas oo munkar ah, ee mar dambe ha u noqonin, qofka haddii sidaas uu dhaho culimada waxay isku khilaafeen xukunkiisa:

cCulimo waxay kasoo qaadeen hadalkiisa inuu yahay hadal aan qiime lahayn, waa inuu ka towbad kewenaa waxna korkiisa ma aha.
Qaarna waxay u arkeen inuu ula jeedo hadalkaas dhaar marka waxaa laga rabaa inuu la yimaado kafaaragud.

Marka labada midkood hadaad raacdo wax dhib ma laha.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More