Qofka mararka qaar waxaa soo galayso cabsi la xiriirta noloshiisa.
Wuxuu ka fikirayaa waxa ku dhici karo mustaqbalka ama waxa soo gaari karo.
Taas sababo badan ayaa keenaya.

Waxaa ugu mihiimsan sababahaan soo socda:
1- Wassaaska badan.
Qofka uu ku dhaco cudurka wasaaska maskaxdiisa mar kaste waxaa kusoo dhaco dhib iyo cabsi.
Marba waxbaa ku furmo. wuxuu ka fikirayaa waxa soo socdo.
Wax kaste wuxuu u arkaa inuu noloshiisa khatar ku yahay.
Taas waxaa xal u ah qofka inuu xuska Ilaahay ku dadaalo.
2- Ka fogaanshaha salaadda iyo cibaadada guud ahaan
Qofka markuu ka fogaado xuska ilaahay iyo quraanka wuxuu dareemayaa eber xagga qalbiga. wax kaste oo yar markuu la kulmo wuxuu ka dareemayaa cabsi iyo kalsooni darro.
Taas waxaa lagu xallin karaa qofka inuu ku dadaalo cibaadada iyo quraanka.
3- Kalinimada. qofka inuu meel kaligiisa ku noolaado ama seexdo.
Qof ma u fiicna inuu kali ahaado. waxaa la rabaa inuu mar kaste ku jiro bulsho fiican oo ugu kaalmaynayso wanaagga iyo khayrka.
Qofka marka uu kaligiisa u badan yahay waxaa maskaxda kasoo galo waswaas iyo fikir aan loo baahnayn.
Dadka ku dhaco seegada ( siigada) inta badan waxay galaan baabkaas marka ay kali noqdaan.
Xattaa waxaa lagaa rabaa inaadan kaligaaga seexanin.
Cabsida badan qofka uu dareemo sababahaas ayaa ugu badan
Waxaa kaloo cabsidaas ay ka imaan kartaa sixir iyo il.
qofka marka la sixro ama la illaysto wuxuu dareemaa cabsi. waliba waqtiyada habeenka marka la gaaro.
Wuxuu noqonayaa qof geeri ka baqayo wuxuu u malaynayaa inuu ku dhici doono cudur daran.
Marka waxaa laga rabaa qofka inuu iska ilaaliyo waxyaalaha aan soo sheegnay.
Cabsida joogtada ah maxaa keeni kara
A person sometimes experiences fear related to his life.
He thinks about what may happen to him in the future or what may happen to him.
There are many reasons for this.
The most important of these are the following reasons:
1- Excessive worry.
A person who suffers from worry always experiences trouble and fear in his mind.
Something always comes to mind. He thinks about what is coming.
He sees everything as a threat to his life.
The solution to this is for a person to strive to remember God.
2- Avoiding prayer and worship in general
When a person avoids the remembrance of God and the Quran, he feels empty in his heart. When he encounters anything small, he feels fear and distrust.
This can be solved by a person striving to worship and the Quran.
3- Loneliness. A person should live or sleep in a place alone.
It is not good for a person to be alone. It is necessary to always be in a good society that supports goodness and goodness.
When a person is alone a lot, unwanted thoughts and thoughts enter his mind.
People who suffer from delusions (sighs) often enter that door when they are alone.
You are also required not to sleep alone.
The fear that a person feels is mostly due to these reasons
This fear can also come from magic and spells.
When a person is bewitched or bewitched, he feels fear. Especially at night.
He becomes a person who fears death and thinks that he will contract a serious disease.
So a person is required to avoid the things we mentioned.
