Site icon Daruur درور

Qofka mar walba ka walwalo wixii lasoo dhaafay

Su’aasha:

Waxaan Ahay Qof Mar Walba Ka Walwala Waxyaabo Soo Dhaafay oonan Waxba Ka qabin Karin Hadana Maalin Iyo Habeen Walwal Ay Igu Hayaan Talo isii Sidoo Kale Walwalka Farabadan Maxaa Dhiba oo kadhalan Kara.

Qofka mar walba ka walwalo wixii lasoo dhaafay
Qofka mar walba ka walwalo wixii lasoo dhaafay

Jawaabta:

Wixii lasoo dhaafay oo wax aadan ka qaban karin haddaad ka walwasho wuxuu kaa hallaynayaa wixii soo socdo waxna ma qabsan kartid.

Waxaan kula talinayaa inaad iska joojiso wixii lasoo dhaafay noloshaada hadda bilow adigoo hadda dhashay oo kale waxa aad ka walwalayso hadduu dambi yahay Alle u towbad keen, waxaa kaloo aad badsataa xuska Alle, qofkii Alle xusaya niyaddiisa ayaa u qaboobayso.

Walwalka iyo niyadkabka waxaa la og yahay inay caafimaadka saameeyaan marka ka fogow wixii walwal kugu ridi karo oo dhan.

Exit mobile version