Qofka isagoo sooman siigeysta ma qaadan karyaa madaahibta dhigeysa in siigada soonku jabinin?

Su’aasha:

Waxaan siigeystay maanta oo 29 maraayo soonka inta ka horeysay waan iska ilaalin jiray marka hadaan siigadaas ku dhacay soonkeyga ma sii wadan karaa anoo qaadanayo madaahibta dhigeyso in soonku siigada ku burin bal si deg deg iigu soo sheeg?

Qofka isagoo sooman siigeysta ma qaadan karyaa madaahibta dhigeysa in siigada soonku jabinin?
Qofka isagoo sooman siigeysta ma qaadan karyaa madaahibta dhigeysa in siigada soonku jabinin?

Jawaabta:

Qofka muslinka ma aha inuu raaraaco wixii laysku khilaafay oo kala soo baxo wixii naftiisa ay ka hesho, wixii daliil xoog badan wata mooyee oo mararka qaar lagaga saxnaan karo culimada intooda badan.

Culimada wax badan ayay isku khilaafeen marka haddii aad ka doorato waxyaalaha naftaada ay ka hesho taas lama oggola maxaayeelay waa hawaraacnimo.

Siigada culimada qabo inay soonka jabiso qofka marka uu biyabaxo way xoog badan tahay arrintaas marka soonkaaga waa jabiyay mana furaysid waana soo gudaysaa, rukhsada culimadana ma raaci kartid saan kuu sheegay, taas waxay kuu furaysaa albaabka ka siibashada diinta.

Teeda kale middan waxay ku dhisan tahay ixtiyaad wax la dhaho xagga fiqiga, marka sidee baad u dhihi kartaa soonkayga ma jabin?

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More