Site icon Daruur درور

Qofka imaamka haduu salaada faaruqo mala sii wadan karaa mise waa ku celis

Su’aasha:

Sxb waku salamay waxaan ku weydiina qofka imaamka ee salaada tujinaya haduu salaada faaruqo ama uu ka baxo jameecada salaadoosa ma sii wadan karaan mise waa faaruqayaan ansax se ma tahay hadii la sii wato salaada

Qofka imaamka haduu salaada faaruqo mala sii wadan karaa mise waa ku celis
Qofka imaamka haduu salaada faaruqo mala sii wadan karaa mise waa ku celis

Jawaabta:

Imaamka salaadda maka faaruqi karo iyadoon jirin arrin daruuri ah, taas Ilaahay ayaa reebay wuxuu yiri Alle:

(يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا أَطِيعُوا اللَّهَ وَأَطِيعُوا الرَّسُولَ وَلَا تُبْطِلُوا أَعْمَالَكُمْ) ‎

 (Kuwa xaqa rumeeyow Eebe adeeca, Rasuukiisana adeeca, Camalkiinnana hayska burrinina)

Culimada qaar waxay qabaan imaamka hadduu salaadda ka baxo ama ay ka burto salaadda,  dadka uu dujinayo iyagana way ka buraysaa salaaddooda,  maxaayeelay salaadda ma’muumka waxay ku xiran tahay salaadda imaamka.

Laakin mad’habka shaafici wuxuu qabaa inaysan salaadda ka buraynin dadka la dujinayo mid iyaga ka mid ah ayaa booska imaamka gali kara, wuxuu yiri imaam Nawawi (Alle ha u naxariistee):

(فَأَمَّا إذَا بَطَلَتْ صَلَاةُ الْإِمَامِ بِحَدَثٍ وَنَحْوِهِ، أَوْ قَامَ إلَى خَامِسَةٍ، أَوْ أَتَى بِمُنَافٍ غَيْرِ ذَلِكَ، فَإِنَّهُ يُفَارِقُهُ وَلَا يَضُرُّ الْمَأْمُومَ هَذِهِ الْمُفَارَقَةُ بِلَا خِلَافٍ في مذهب الشافعية).

(Haddii salaadda imaamka ay ku burto weysajab iwm. ama rakco shanaad uu ku darsado ama uu la yimaado wax kale oo salaadda khilaafsan wuu ka tagayaa, ka tagitaanka ma dhibayo ma’muumka khilaafna kama taagna xagga mad’habka shaafici).

Marka salaadda waa la sii wadan karaa, dadka la dujinayo kama burayso salaadda.

Exit mobile version