Qofka 50 ama 60 maalin OO xiriir ah inu soomo miyuu awooda inu ruuxa awoodin maxa lugu garan kara qofka da’da yar lakin siigada ay dishay isaga miyuu awooda?
Jawaabta:
Taas waxay u noqonaysaa awoodda qofka uu leeyahay, qofkii jirran oo kallaiyaha laga hayo dhib ayay ku tahay inuu muddo badan biyo la’aan ahaado, sidoo kale qofkii qabo cudurka cusbada kaadimareenka oo marka jirkiisa biyaha ka dhamaadaan xanuun u keenaya soonka oo kaadimareeka xanuun daran ka dareemaya, sidoo kale qofkii aan tabar u haynin xagga daciifnimada jirka sida qofka duqa oo kale.
Marka diin ahaan laga hadlo qofka nadro ama kafaaro ahaan inuu u soomo ay tahay soonka waa ka dhacayaa wixii kale ku xiga ayaa laga rabaa sida inuu miskiin quudiyo hadduusan awoodin inuu soomo.