Site icon Daruur درور

Qof waayeel 100 jir ah oo jirran salaadda malaga rabaa inuu tukado

Su’aasha:

Asc wll bahda daruuro wll su aal
Ayayday waa 100 jir qalbiga waa iska caadi lknii tabarta ka dhamaatay salaadii waydiiday halguu wayseeyo waydiiday salaadina waydiiday malagu leeyahay salaadaa

Qof waayeel 100 jir ah oo jirran salaadda malaga rabaa inuu tukado
Qof waayeel 100 jir ah oo jirran salaadda malaga rabaa inuu tukado

Jawaabta:

Haddii qofka marba uu miyir leeyahay salaadda kama dhacdo, xataa hadduu awoodi waayo inuu jirkiisa dhaqaajiyo niyadda ayuu ka tukanayaa, marka isku daya inaad u weysaysaan sida aad cuntada u siisaan haddaysan weyso awoodin u gabagabeeya (tayamum u sameeyaa),  markaas kadib sidey awooddo ha u tukato xataa hadday madaxa ku tilmaami karto, haddii weyso aan la awoodin dahaaro la’aan ayay tukanaysaa laakin haddii aysan sidaas awoodin oo maskaxdeeda joogin Ilaahay qofka kuma kallifo wax uusan awoodin.

wuxuu leeyahay Alle:

(لَا يُكَلِّفُ اللَّهُ نَفْسًا إِلَّا وُسْعَهَا)

(Alle kuma kalifo naf waxayna karin)

Alle wuxuu leeyahay – subxaanahu -:

(وَمَا جَعَلَ عَلَيْكُمْ فِي الدِّينِ مِنْ حَرَجٍ مِّلَّةَ أَبِيكُمْ إِبْرَاهِيمَ هُوَ سَمَّاكُمُ الْمُسْلِمِينَ مِن قَبْلُ وَفِي هَذَا لِيَكُونَ الرَّسُولُ شَهِيدًا عَلَيْكُمْ وَتَكُونُوا شُهَدَاءَ عَلَى النَّاسِ)

(Mana yeelin diinta dhib, waa diintii aabihiin Ibraahim, isagaana Idiinku magacaabay muslimiin horay iyo Quraankan si rasuulku marag korkiina ugu noqdo, idinkuna aad marag u ahaataan dadka),

wuxuu leeyahay nabigeena – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – :

(إِنَّ الدِّينَ يُسْرٌ وَلَنْ يُشَادَّ الدِّينَ أَحَدٌ إِلاَّ غَلَبَهُ، فَسَدِّدُوا وَقَارِبُوا وَأَبْشِرُوا ، وَاسْتَعِينُوا بِالْغَدْوَةِ وَالرَّوْحَةِ وَشَيْءٍ مِنَ الدُّلْجَةِ)

(Diinka wuu fudud yahay, qof iskuma adkeeyo haddii kale wuu ka adkaanayaa, toosiya dhexdhexeysta bishaareysta, kaalmeysta arootii iyo galabtii iyo qeyb ka mid ah dheelmashada)

Wuxuu yiri Alle:

(يُرِيدُ اللَّهُ بِكُمُ الْيُسْرَ وَلَا يُرِيدُ بِكُمُ الْعُسْرَ)

(Wuxuu idinla doonayaa Alle fudayd ee idin lama doonayo culays), wuxuu leeyahay Alle:

(يُرِيدُ اللَّهُ أَنْ يُخَفِّفَ عَنْكُمْ وَخُلِقَ الْإِنْسَانُ ضَعِيفًا)

(Wuxuu doonayaa Alle inuu idinka fududeeyo, waxaase la abuuray aadanaha isagoo tabar yar)

Exit mobile version