Site icon Daruur درور

Qof khayrka jecel baan ahay wixii aan bilaabo ma dhamayn karo

Su’aasha:

Asc
Een waxa aan idinka codsanayaa inaad talo isiisaan.

Aad baan idiinka mahad celinayaa ”daruur” sida quruxda badan ee aad noogu soo jawaab taan su’aalaha .

Waxa aan ahay qof khayrka jecel oo ku xiran culumada dhagaystana markasta oo u degdega wanaaga.
Waxaan ahay qof socod kiisu yar yahay oo badana masjidka, xaafada, uun jooga.

Lkn waxa aan ahay qof caadaystay oo jecel
inuu kali ahaado, kali socdo, kali meel maro,
kali tago meel, haday suuq tahay io hadii kaleba
waxa aan ahay qof fikir badan, aamusan oo hadal kiisu yaryahay
Asxaabtayduna ma badna, mana lakulmi, nacaybna iga ma aha.

Hadii aan waxbarashu bilaabo diin iyo dunuubiba waan ka kala badh tagaa anoon dhamayn
shaygii aan bilaabay.
Sida kale waxa aan ahay qof fahmo badan oo ay asxaabtisu jecel yihiin oo ay ku daydaan
Blse waxkasta oo aan bilaabo sabab la’aan umbaan kaga tagayaa

Mana aqaan wax Aan sameeyo bal talo isiiya.

ALLA MAHAD LEH

Qof khayrka jecel baan ahay wixii aan bilaabo ma dhamayn karo
Qof khayrka jecel baan ahay wixii aan bilaabo ma dhamayn karo

Jawaabta:

Samanka aan joogno qofka wuxuu ku fiican yahay kalinimada, waayo dadka badankooda wanaag kama taliyaan, marka inaad kali ahaato wax dhib ah ma laha, inkastoo ay ka fiican tahay inaad ku xirnaato dad fiican oo khayrka jecel.

Teeda kale qofka marka uu yahay mid jecel khayrka maskaxna u haya waxbarashada waa  qof nasiib badan, laakin dhibka ku haysta oo ah inaadan dhammaystiri karin wixii aad bilowdo taas waxaad kaga bixi kartaa inaad degsato jadwal kuu qoran oo aad go’aan adag ka gaaraysid inaad dhamaynayso wixii aad faraha la gasho, wixii aad samayn rabto meel ku qor adoon dhamaynin wax kale ha u gudbin, taas ayaa laga yaabaa inay kuu saxdo socdaalka waxbarashada, qofka marka uu jadwal la’aan ku socdo wax uma hirgalaan.

Exit mobile version