Qof kaadi daran hayso salaaddiisa ma ansaxaysaa

Su’aasha:

Kaadida iyadoo i heyso hadaan tukado salaada may ansixi Mise wan soqaleyn

Qof kaadi daran hayso salaaddiisa ma ansaxaysaa
Qof kaadi daran hayso salaaddiisa ma ansaxaysaa

Jawaabta:

Waxaa kusoo arooray mas’aladan xadiis saxiix ah oo Muslin saxiixiisa ku wariyay, wuxuu yiri rasuulka (SCW):

 

(لا صَلَاةَ بحَضْرَةِ الطَّعَامِ، ولَا هو يُدَافِعُهُ الأخْبَثَانِ).

(Salaad ma jirto iyadoo cunto ay taallo iyo qofka asoo ay soo riixayaan labada xunxun (saxaro iyo kaadi).

Xadiiskan qofka muslinka wuxuu ka reebayaa inuu tukado asoo cunto loo keenay maxaayeelay naftiisa cuntada ayay aadaysaa khushaaca ayuu ka baxayaa, waxaa la mid ah qofkii musqul u baahan isagana waa inuu xaajadiisa soo gutaa markaas salaadda ayuu ku takanayaa.
Laakin hadduu tukado asoo saxaro ama kaadi ay hayso, salaaddiisa way ansaxaysaa sida ay culimada u badan yihiin, xadiiska waxay ku xambaareen in laga wado salaad dhammaystiran ma helayo maxaayeelay naftiisa wax kale ayay ku mashquulsan tahay, culimadan ayaana xoog badan, marka qofka ma soo qalaynayo hadduu sidaas ku tukado.

 

This hadith prohibits a Muslim from praying while food is being brought to him because his soul is occupied with food and he leaves the khushaah, similarly, a person who needs to go to the toilet should perform his needs and then he will be able to pray.
However, if he prays while he has feces or urine, his prayer is valid according to the majority of scholars. They interpreted the hadith as meaning that he will not be able to perform a complete prayer because his soul is occupied with other things, and these scholars are very strong, so a person will not be able to pray in this way.

Leave a Reply