Site icon Daruur درور

Qof gabar riyo uu ku arkay ma jeclaan karaa

Su’aasha:

Waxaan muddo 5sano laga joogo aan jeclaaday gabar aan riyo ku arkay ilaa hadana aan jeclahay marwalba oo aan sameeyo haasaawe ama gabar kale xiriir na dhexmaro gabadhii aan niyada ka suureystay baa i hor taagan oon ku jalboodaa jamashadeeda iyo jacaylkeeda mararka qaar maskaxdeydu waxay iiga sheekeysaa in gabadhaas aan guursan doono caruur badana ii dhali doonto gabadhaas aan aadka u jeclaaday waa gabar aan mar kaliya riyo ku arkay hadana aan jeclahay ilaa hada dumarkalana xiiso iima lahan inaan la shekeysto gabadhaas mooyee marka maxaa talo ah wll.

Qof gabar riyo uu ku arkay ma jeclaan karaa
Qof gabar riyo uu ku arkay ma jeclaan karaa

Jawaabta:

Jacaylka dhabta ah wuxuu ku xiran yahay gabar xaqiiqo ah oo leh wax lagu jeclaado sidoo kale leh sifooyin keeni kara in lagu jeclaado, jacaylka dhabta waliba waa midka yimaada guurka kaddib, midka guurka ka horreeya jacayl run ah ma aha waa ka helitaan aad ka helayso gabadha aad leedahay waan jeclahay.
Midka riyada isagana waa mid nafta la xiriira oo aan ahayn mid dhab ah, kaliya maskaxda ayuu ku xiran yahay waa wax been ah marka niyaddaada ka saar.

Caadi ahaan way dhici kartaa inaad gabar ku riyooto aad jeceshay kaddib riyada ay ku furanto gabar sifooyinka riyada aad ku aragtay leh laakin waligaaga jacayl noocaas ah niyadda haku haynin.

Exit mobile version