Qiraa’ada miimka reeban oo waaw lagu darayo
Qiraa’ada miimka reeban oo waaw lagu darayo
Su’aasha:
asc wll waxn kuweydiin lahaa inaad iga jaahil bixiso su’aashan” walaal waxaan maqley qur’aanka oo loo Akhrinayo xarfahiisa qaar sida أمن هذا الذي يرزقكم ayey ahayd ee suuradda tabaarak lkn waxaan maqley iyadoo la leeyahay أمن هذا الذي يرزقكمو yacnii waaw ayaa lagu kadib waa la jiidaaya oo waxaa la leeyahay yarzuqukumuu ) iyo xarfo kaleba wll taasi waa maxay maxayse sidaas ugu dhawaaqayaan?
MAHADSANID WALAAL
Jawaabta:
Walaal quraanka wuxuu leeyahay akhrisyo (qiraa’aad) kala duwan oo gaaraya 10 qiraa’o, dhammaanna nabiga (SCW) ayay ka sugnaadeen, marka qofka wuu dooran karaa qirada uu ku akhrinayo, laakin waxaa fiican waddan kaste qirada laga haysto inaad ku akhriso haddaad tahay qof qiraa’ooyinka tobanka garanaya, midda ugu caansan waa qiraa’ada Xafsa loo yaqaano oo soomaali meelo badan ay ku faafsan tahay, sidoo kale soomaali waxaa laga helaa qiraa’ada loo yaqaano Abuu Camr oo dugsiyada quraanka ay ku akhriyaan inkastoo aysan si toos ugu akrinin.
Qirada adiga aad sheegtay waxay ka mid tahay qiraa’ooyinka tobanka waa la dhahaa qiraa’da Warsh, waxaa laga yaqaanaa galbeedka iyo waqooyiga afrika sida Aljeeriya iyo Tuunis iyo Marooko iyo Liibiya iyo Sanigaal iyo Muuritaaniya.
Musxafkan ayay leedahay qiraa’da Warsh
Xataa sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi wuu duubay qiraa’adan ka dhex raadi webka Islamaway.net
Qofka markuu quraanka maqlo ooya mala mid yahay qof cabsida Alle la ooyay
رواية ورش عن نافع هي إحدى الروايات المتواترة التي يُقرأ بها القرآن الكريم، تنسب إلى أبي سعيد عثمان بن سعيد بن عبد الله بن عمرو بن سليمان والملقب بورش
ورش هو عثمان بن سعيد (110 هـ–197 هـ) لقبه نافع بلقب ورش. كان مقرئاً في مصر،ثم رحل إلى المدينة المنورة ليقرأ على نافع، فقرأ عليه ختمات في شهر سنة 155 هـ،
فرجع إلى مصر وانتهت إليه رئاسة الإقراء في مصر، فلم ينازعه فيها منازع، مع براعته في اللغة العربية ومعرفته في التجويد،
وكان حسن الصوت، قال يونس بن عبد الأعلى: «كان ورش جيد القراءة حسن الصوت، إذا قرأ يهمز ويمد ويشدد ويبين الإعراب، لا يمل سامعه»