Qaliin baan ku dhalay labo bilood kadib dhiig iyo calool barar ayaa ii yimid

Su’aasha:

scw walaal qaliin baan ku dhalay labo bilood kadib dhiig ayaa iga yimid waxaan ka dareemayaa caloosha barar maxaa keeni kara arrintaas

Qaliin baan ku dhalay labo bilood kadib dhiig iyo calool barar ayaa ii yimid
Qaliin baan ku dhalay labo bilood kadib dhiig iyo calool barar ayaa ii yimid

Jawaabta:

Diigga waxaa laga yaabaa inuu ka yimid ilamgaleenka, waxaa dhici karta inay dhibaato ka jirto oo qaliinka ka dhalatay,  laakin bararka caloosha ayaa ah wax u baahan in la baaro, waxaa fiican inaad dhakhtarka ku qalay mar kale ku laabataan oo aad weyddiisaan sababta keeni karta arrintaas bararka taasna waxaa lagu ogaan karaa baaritaan.

Teeda kale qaliinka dhalmada oo hadda soo batay waa qorshe oo lagu yareynayo dhalitaanka, dhalmada dabiiciga ayaa lala dagaallamayaa, sidaa awgeed waxaad arkaysaa qofka waxaa lagu qasbaa qaliin, iyadoo dumarka dhalmada caadiga dabiciiga ay u fududdahay, dhalmada marka ay adkaato oo xal kale la waayo ayaa qaliin la aadaa, xaaladahaasna aad bay dhif u yihiin, laakin hadda sheekada sidaas ma aha, marka qaliinka dhibaatooyin kale ayuu naagta u keeni karaa, qofka waxaa fiican inuu iska ilaaliyo qaliin inuu ku degdego.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More