Protein-ka ugu fiican iyo kacsiga
Su’aasha:
Protein ka wa laba nooc mid wa mass gainer murqaha ayaa lagu dhisa midna wa weight gainer miisanka ayaa lagu kordhiya ayado kan miisanka lagu kordhiyo xita hadaad training adag kusameyso Adan ku cayileynin oo jirka kugu dhismayo hadana dadka waxay isku qalafan inuu raganimada yareeya qof an waligii cunin ayaa kudhahayo waxan hada cunto makacsaneysid qaarba ku dhahaya madhaleysid ee maxa kajiro ma qurafaad ba mise wixi la sheego waxba kajiro wabilahi towfiiq.

Jawaabta:
Walaal burutiinka oo aan dabiiciga ahayn oo la sameeyay dhibaatooyin badan ayuu u keenayaa qofka, waxaa sugan inuu wato hormoonka koridda lo’da oo loo yaqaano (rBGH ama rBST) oo dhib u keenaya qofka gaar ahaan xubnaha taranka iyo dheefshiidka sidoo kale ungyada dhiigga, qofka waxaa fiican intuusan isticmaalin waa inuu iska fiiriyaa waxa uu ka kooban yahay, waliba waxaa fiican inuu kala tashado dhakhtar khibrad u leh burotiinada.
Burutiinka jimicsiga la sameeyay aan dabiiciga ahayn waxaa ku jiro badankii maaddo lagu magacaabo Lactose waa sokorta ku jirto caanaha, maaddadaas dhib ayay u keenaysaa marka ay gasho dhiigga, burutiinada la sameeyay waxay wataan wax badan oo ka mid ah maaddada Lactose, sidoo kale burutiinka jimicsiga aan dabiiciga ahayn waxaa lagasoo saaraa burutiinka caanaha waxaa laga yaabaa inuu qiimihiisa waxtarka uu waayo.
Si kaste ha ahaatee qofka wuxuu ka heli karaa burutiinka jirka dhisaya cuntada dabiiciga ah sida ukunta hilibka kalluunka iyo boorisha iwm.
Cuntoooyinka la siin karo qofkay siigada dishay
Artificial protein powders can cause many problems for a person. They are certain to contain bovine growth hormone (rBGH or rBST), which can cause problems for a person, especially for the reproductive and digestive systems, as well as blood cells. Before using them, it is best to check the ingredients. It is also best to consult a doctor who is experienced in protein.
Artificial protein powders contain a substance called lactose, which is a sugar found in milk. This substance can cause problems when it enters the bloodstream. Artificial proteins contain a lot of lactose. Also, artificial protein powders are extracted from milk proteins, which may lose their beneficial properties.
However, a person can get body-building protein from natural foods such as eggs, meat, fish, and cereals, etc.
