Nutritional yeast Somalia Malaga helaa sideena loo adeegsadaa
Nutritional yeast Somalia Malaga helaa sideena loo adeegsadaa
Su’aasha:
Asc Nafaqada jirka lagu naaxiyo ee nutrition yeast ayaan u baahanahay Meel badan oo Somalia dhexdeeda ah ayaan ka raadiyey waanka waayey Cinwaan number ama bar bulsho Goob Ganacsi oo Laga heli karo ii tilmaama hadii aad awoodaan
Waxaan kaloo doonayey inaan idin waydiiyo Nitration yeast noocyo Fake ah miyaa jiro qaabkeena loo isticmaalaa
Mahadsanidiin walaalaha Daruur bogaadin baad mudan tihiin.

Jawaabta
Nutritional yeast ama khamiirka nafaqada wuxuu wataa dhowr vitamin waxaa ka mid ah B1, B2, B3, B6, B12 iyo burutiino kale, way dhici kartaa in soomaali laga helo, aniga soomaali ma joogo mana ogaan karo meesha laga helo, haddii aad si fiican u raadiso way dhici kartaa inaad hesho.
Wax kaste gadmaya oo dadka ay jecel yihiin waa laga yaabaa in mid fake ah lasoo sameeyo, taas waxay u noqonaysaa meesha aad kasoo iibsanayso in laga keeno shirkado la hubo, waa sida malabka oo kale dadka qaarkii ay gadaan malab qasan.
Waxaa lagu darsadaa cuntada qoyaanka ah sida maraqa ama fuudka, caanaha iyo mishaarida iwm.
Waa wax qofka cunto kaste uu ku darsan karo.
Faahfaahin dheeraad halkaan ka akhriso:
Daawada Cayilka Ugu Dhaqsiga Badan Uguna Fiican
Nutritional yeast oo kaniini ahaan ah:
Daawada Dabiiciga Lagu Cayilo Waa Kaniiniga Khamiirka Yeast Pills
Nutritional yeast contains several vitamins, including B1, B2, B3, B6, B12 and other proteins. It can be found in Somalia.
I am not in Somalia and I cannot find it. If you search carefully, you may be able to find it.
Anything that is sold that people like may be fake, so make sure you buy it from a reputable company. It is like honey, some people buy adulterated honey.
It is added to moist foods such as soups or stews, milk and porridge, etc.
It is something that anyone can add to any food.