Ninkeeda ayay ka shakisay isagana wax yaab leh ayuu sameeyay
Naag ayaa ninkeeda ka shakisay, waxay ka dalbatay inuu taleefankiisa tuso, markaas ayuu yiri taleefanka wuu hallaysan yahay intuu si u xiray.
waxay ku tiri waxaan geenayaa meesha taleefanada hallaabay lagu sameeyo.

ninkii wuxuu sameeyay arrin yaab leh, intuu taleefanka furay ayuu galiyay 100 doolar iyo warqad uu ku qoran yahay hadalkan:
Fadlan u sheeg xaaskayga in taleefankan aan la samayn karin waligiisa, waxay rabtaa inay aragto dadka aan la xiriiray ama isoo wacay, lacgtanna waa abaalkaaga.