Site icon Daruur درور

Ninkayga sigaarka ayaan isku dagaalnaa ila taliya

Su’aasha:

NINKAYGA SIGAAR SI XUN AYUU U CABAA AFKIISA AAD AYUU USOO URAA IYO DHARKIISA IYO TIMAHISA, MARKA AAN SARIIRTA WADA TAGNO WAAN KIRAHSADAA WAXAN KU DHAHAA AAD BAD USOO URAYSAA ARINTAAN ILAAHAY RALI KAMA AHA WUU IGA XANAAQAA ASOO XANAAQSAN AYUU SEEXANAA MALAA’IGA MIYAY I LACNADAYNAYSAA HADUU SEEXDO ASOO ARINTAAS IIGA XANAAQSAN.

Ninkayga sigaarka ayaan isku dagaalnaa ila taliya
Ninkayga sigaarka ayaan isku dagaalnaa ila taliya

Jawaabta:

Malaa’iga marka ay ku lacnadaynayso waa marka aad u diiddo xaqiisa, laakin arrintan adiga ayaa kaga saxsan, sigaarka waa munkar oo xun qofka muslinka waa in laga reebaa, adiga khayrka ayaad faraysaa ninkaaga hadduu sidaas ku caroodo isagaa qaldan, laakin haddii aad u diiddo xaqiisa oo ah galmo markaas ayaad qalad galaysaa, galamada ha u diidin laakin khayrka u sheeg hadduu sidaas kaaga caroodo wax dambi ah kuma lihid.

 Xataa culimada fiqiga ninka waxay u ogol yihiin xaaskiisa inuu ka reebo xiliga sariirta inay cunto wax soo uraya sida basasha iyo toonta oo kale, marka iyadana xaq ayay u leedahay in aan lagu dhibin wixii soo uraya waxaa ka mid ah waxyaalaha urka badan sigaarka.

Exit mobile version