Site icon Daruur درور

Ninkayga qolka ma ila seexdo taas maxaa keeno

Su’aasha:

scw bahda darur ninkayga qolka ma ila seexdo wuxuu ka helaa inuu qol kale seexdo wuxuu u imaana kaliya galmada  markuu dhamaysto qolkiisa ayuu aadaa, anigana waxaan rabaa inuu iala hurdo taas maxaa keeno nimanka inaysan naagahooda hal qol aan la seexanin.

Ninkayga qolka ma ila seexdo taas maxaa keeno
Ninkayga qolka ma ila seexdo taas maxaa keeno

Jawaabta:

Dhaqanka wanaagsan ninka iyo xaaskiisa waxaa ka mid ah inuu hal gogol la seexdo xiliga hurdada, taas waxay abuuraysaa kalsooni iyo jacayl, laakin ninka marka uu qol kale seexanayo waxay keenaysaa kalafogaansho iyo cabsi iyo shaki, diin ahaan waajib kuma aha laakin dhaqanka suuban waa sidaas, nabiga (scw) hal firaash buu la seexan jiray xaaskiisa marka uu la hooyanayo xaasaskiisa mid ka mid ah.

Lama ogaan karo sababta keentay inuu ninkaaga qolkaaga ka tago qol kale seexdo, dib isugu laabo wixii kaa qaldan isaga weyddii waxa ku kallifay inuu kaa dheeraado, raga qaar dumarkooda waxay uga cararaan khuurada badan amise qarowga badan, dumar waxaa jira sariirta kasoo kaco iyagoo hurdaya oo hadlaya u dhaqma sida qof soo jeeda oo kale.

Exit mobile version