Site icon Daruur درور

Ninkayga naag ayaan ku arkay ma iska furi karaa

Su’aasha:

Waxaan arkay ninkayga what-sup oo naag qaraabo aan nahay la xiriiraayo waxaan arkay waxyaalaha ay usoo dirtay hadalada ay ku hadlayso isagana siduu ugu jawaabayo waxaan dareemay jacayl inuu ka dhexeeyo labado waxaan ugu shakisanahay inay saaxibo yihiin hoose yihiin waxaan rabaa inaan ogaado diinta maxay ka qabtaa ninkaas inaan iska furo.

Ninkayga naag ayaan ku arkay ma iska furi karaa
Ninkayga naag ayaan ku arkay ma iska furi karaa

Jawaabta:

Marka waxaad ogaataa ilaalinta gurigaaga inay wax walbo ka horreeyso ninkan haddii uu naagtaas la sheekaysto waxaa habboon inaad adiga weyddiisid arrintaas oo aad isaga ka ogaato waxaa laga yaabaa in aad jidka fiican tusto.

teeda kale waxaa dhici karta inuu adiga kaa waayay hadal macaan iyo jacayl inaad ka mashquushay ayaa laga yaabaa markaas wuxuu raadsaday naag kale uu hadalo jacayl ah la weydaarsado.

naagaha soomaali badankooda ragooda iyaga ayaa iska raacdeysto  ninka way  ka mashquulaysaa maanta oo dhan waxay ku mashquulsan tahay shaqada guriga markaas ayay dhibsanaysaa marka uu gabar kale guursado.

teeda kale naagta ninka iskama furi karto ninka keliya ayaa naagtiisa furaya.

xaaladaha naagta ninkeeda laga furayo waa xaalado kuwan aan ahayn.

marka hore adiga ninkan wax caddeyn ah xumaan sino kama haysid khaladka uu galay oo naagtaas uu dhanbaal u qoray oo uu kala sheekaysanayo arrimaha shukaansiga iyo jacaylka waa inaad ka waanisaa oo aad u sheegtaa in khalad ay tahay sheekadaas sidoo kale adiga u gal sheekadaas ileen sheeko buu ninkan raadsadee.

waxaad ogaataa ninka inuu rabo hadlo sheeko jacayl ha moodin marka ilmo aad dhasho jacaylka iyo shaakada inay dhamaadeen.

naago waxaa jira nimanka xaasleyda kaliya gaada oo rabo inay naagtooda kasoo tagaan kuwaas fursad ha siinin.

gurigaaga ha iska duminin ninkaaga la hadal kalsooni sii wixii xumaato ah ka reeb waani.

Khiyaanada shukaansiga sidee lagu garan karaa

Shukaansiga ma xaaraan baa

Wuxuu leeyahay nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(إنَّ إبْلِيسَ يَضَعُ عَرْشَهُ علَى الماءِ، ثُمَّ يَبْعَثُ سَراياهُ، فأدْناهُمْ منه مَنْزِلَةً أعْظَمُهُمْ فِتْنَةً، يَجِيءُ أحَدُهُمْ فيَقولُ: فَعَلْتُ كَذا وكَذا، فيَقولُ: ما صَنَعْتَ شيئًا، قالَ: ثُمَّ يَجِيءُ أحَدُهُمْ فيَقولُ: ما تَرَكْتُهُ حتَّى فَرَّقْتُ بيْنَهُ وبيْنَ امْرَأَتِهِ، قالَ: فيُدْنِيهِ منه ويقولُ: نِعْمَ أنْتَ)

(Ibliis wuxuu dhiganayaa kursigiisa biyaha, kaddib wuxuu soo dirayaa guutooyinkiisa, kan isaga ugu dhow waa kan ugu fidnada badan, midkooda ayaa imaanaya wuxuu oranayaa: sidan iyo sidan ayaan sameeyay, wuxuu oranayaa wax ma aadan samynin, wuxuu yiri: kaddib midkooda ayaa imaanaya wuxuu oranayaa: ma dhaafin ilaa aan ka kala geeyo isaga iyo naagtiisa, wuxuu yiri: wuu soo dhoweysanayaa wuxuu oranayaa: adigaa fiican),

Muslim ayaa wariyay

Xataa hadduu isbadali waayo gurigaaga ilaalso, wuxuu leeyahay nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(لا يَفْرَكْ مُؤْمِنٌ مُؤْمِنَةً، إنْ كَرِهَ منها خُلُقًا رَضِيَ منها آخَرَ)،

(Nin mu’min yuuna ka caroonin haweeney mu’minad ah haddii uu dabci ku naco mid kale ayuu kaga raalli noqonayaa),

Qof dhamaystiran ma jiro wuxuu yiri gabyaaga:

ومَنْ ذا الذي تُرْضَى سجاياهُ كلُّها *** كفى المرءَ نُبلاً أن تُعدَّ معايبُه
Waa kuma kan dabeecadihiisa dhan raalli laga yahay

الشيطان عدو الإنسان، ويسعى في هلاكه وإفساد حياته ودنياه وآخرته بكل السبل،

وفي هذا الحديث يوضح النبي صلى الله عليه وسلم بعض ما يفعله الشيطان،

فيقول صلى الله عليه وسلم: «إن إبليس يضع عرشه على الماء»، أي: يثبت به على ماء البحر،

وقيل: هو كناية عن تسلطه على الخلق وإضلالهم، والعرش: هو كرسي سلطانه.
ويمدح فعله في التفريق بين الزوجين لإعجابه بصنعه، وبلوغه الغاية التي أرادها بقوله:

«نعم أنت»، وهذا المدح لما في التفريق بين الزوجين من مفاسد انقطاع النسل، وانعدام تربية الأطفال،

وما يحتمل من وقوع الزنا، الذي هو أفحش الكبائر وأكثرها معرة وفسادا، وما في ذلك من التباغض والتشاحن وإثارة العدوات بين الناس.
وفي الحديث: بيان تمكن إبليس من بلوغ مقصوده من إغواء بني آدم.
وفيه: تعظيم أمر الطلاق وكثرة ضرره وعظيم فتنته وعظيم الإثم في السعي فيه.
وفيه: تهويل عظيم في ذم التفريق بين الزوجين.

Exit mobile version