Site icon Daruur درور

Ninkay wuu shaki badan yahay maxan sameya

Su’aasha:

ninkayga waxan ku arkay arimo yaab badan, wuxuu aad u baaraa taleefankayga dadka ku jira, haddii laysoo waco ma jecla inaan meel isaga ka fog aan ku hadlo, mar kaste wuxuu igu dhahaa yaa la hadlaysay muxuu kuu sheegay muxuu ku dhahay xataa hadday yihiin qaraabadayda aad buu iiga shiyaa, marka ila taliya sideen ula dhaqmaa.

Ninkay wuu shaki badan yahay maxan sameya
Ninkay wuu shaki badan yahay maxan sameya

Jawaabta:

Shakiga guud ahaan ma ficna waswaaska wuxuu u keenaa qofkawax kaste inuu ka shakiyo, ninkaaga waxaa ku habboon inuu kugu kalsoonaado, adigana isku day inaad fahanto, oo aad si fiican ula hadasho, waxaa kaloo kugu haboon inaad ka ilaaliso wixii shaki u keenaya, waligaaga runta u sheeg wax kastana kala hadal kalsooni weyn sii, waxaa laga yaabaa inuu is baddalo, teeda kale waxaa dhici karta inuu aad kuu jecel yahay.

Exit mobile version