Ninka xaasaskiisa hal qol ma wada dajin karaa

Su’aasha:

Maalmahaan baraha bulshada waxaa ka socotay nin sadex naagood qabo oo dhahaayo naagahayga hal guri ayay isla daganyihiin hal qolee isla seexdaan anna halkaas qolaa kula xaajoodaa.

Marka ma banaan tahay in ninka haduu xaasas badan qabo uu hal qol isla seexiyo ama uu halkaas qol kula sheeko tago ayagoo is arkaayo arintaasna diintu maxay ka qabtaa.

Ninka xaasaskiisa hal qol ma wada dajin karaa
Ninka xaasaskiisa hal qol ma wada dajin karaa

Jawaabta:

Mas’aladan waqti hore ayay ka hadleen culimidii islaamka, ninka ma u banaan tahay inuu xaasaskiisa hal qol seexiyo?

Marka hore waa inaan kala qaadnaa labo xaaladood:
Xaaladda koowaad: inay ku noolaadaan ninka iyo xaasaskiisa hal qol iyagoo aan galmo samaynaynin haddii ay duruuf keento wax dhib ah ma laha,  seexasho caadi ah iyo ku noolaansho iyagoo aan seexanaynin hal sariir, ninkana ma samayn karo wax raaxo ah ama istiin ama galmo iyadoo midda kale ay la joogto.
Xaaladda labaad: ninka inuu xaasaskiisa markuu u tagayo oo u tago iyagoo wada jooga.
Middan waa xaaraan ninka uma bannaana xaasaskiisa inuu hal qol kula raaxaysto taas waxay keenaysaa inay is arkaan iyagoo falka galmada ku jura, taasna waa la xarrimay, waayo cowrada naagta ayaa midda kale arkayso ama waxay arkaysaa loo galmoonayo, taasna waxay khilaafsan tahay xishoodka ay diintu dadka fartay, rasuulka (SCW) wuxuu yiri:

(…والْحَياءُ شُعْبَةٌ مِنَ الإيمانِ).

(…Xishoodka waa iimaanka qayb ka mid ah)

Muslin ayaa wariyay

wuxuu kaloo yiri rasuulka (SCW):

(لا ينظُر الرَّجل إلى عوْرة الرَّجل، ولا المرأة إلى عوْرة المرْأة، ولا يُفْضِي الرَّجل إلى الرَّجل في ثوب واحد، ولا تُفضي المرأة إلى المرأة في الثَّوب الواحد).

(Yuuna eegin ninka cowrada ninka kale, yaysan eegin haweeneyda cowrada haweeneyda kale, yuuna ninka la galin nin kale hal maro, haweeneydana yaysan la galin haweeneyda kale hal maro).

Muslim iyo Tirmithi ayaa wariyay

Imaam Nawawi wuxuu yiri: “xadiiskan waxaa laga qaadanayaa inay xaaraan taay nin inuu fiiriyo nin kale caowradiisa naagtana inay fiiriso naag kale cowradeeda taasna khilaaf kama taagna“.

Wuxuu yiri ibnu Qudaama:

“وَإِنْ رَضِيَتَا بِأَنْ يُجَامِعَ وَاحِدَةً بِحَيْثُ تَرَاهُ الْأُخْرَى، لَمْ يَجُزْ؛ لِأَنَّ فِيهِ دَنَاءَةً وَسُخْفًا وَسُقُوطَ مُرُوءَةٍ، فَلَمْ يُبَحْ بِرِضَاهُمَا”.

 

“hadday – labada xaas – oggolaadaan in mid loo galmoodo iyadoo midda kale ay u jeeddo ma bannaana, maxaayeelay taas waxaa ku sugan liidnaan iyo xumaan iyo sharafdhac ma bannaana xataa hadday oggol yihiin”.

Marka waxyaalaha ka socda baraha bulshada oo ah raga leh afar hablood ayaan hal meel isugu keenay ama sedex naagood ma ah wax diinta shaqo ku leh waa dad diinta dhib u keenaya waxaa laga yaabaa inay sidaas lacag ku qaadanayaan, xataa qofka hadduu afar hablood guursado ma aha inuu soo sawiro  oo uu ku faano.

Afar naagood in la guursado iyaga uguma horraynin raga taasna ma tusayso raganimo ee waxay wataan ujeeddooyin kale.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More