Ninka qabo walaasheyda edabarro buu igu sameeyay ila taliya
Ninka qabo walaasheyda edabarro buu igu sameeyay ila taliya
Su’aasha:
scw bahda daruur salan qali ah iga gudoma waxaa jirta arin aan rabo talo layga siigo oo anan dad si toosh ugu sheegi karin walaasheyda ninkeeda wuxuu bilaabay inuu ila kaftamo kaftan cadi ma aha jirka ayu iga taabtaa marar moxoga ayuu iga qabta marna barida ayu iga dhuftaa mararka qaar wuu i lagadamiya aniga wan ka leexan jiray anoo diidan in walashayda gurigeeda dumo hadan ioyada u shego ama hooyadayda aan gaarsiyo markii an meel isla joogono falal qaab daran ayuu ku kacaa hadaba siden ku xalin karaa mushkilada jira oo aan uga joojiyaa.

Jawaabta:
Waxaad ogaataa marka hore qofka noocan ah inuusan qiime lahayn wuxuu u baahan yahay in jidka saxa ah la mariyo, hadaad kasii aamusto wax ka weyn ayuu kugu samaynayaa, waliba wuxuu kuu malaynayaa adiga inaad raalli ka tahay, maxaayeelay naagta haddii jirkeeda la taabto ay ka aamusto ninka wuxuu u qaadanaa inay raalli ka tahay, wuxuu is dhahaa hadday diidi lahayd ma aamusi lahayn, waliba kan oo kale naag kaste ayuu ku dayaa maxaarimta xataa hadday tahay, waxaad samaysaa inaad u digto oo aad ku tiraahdo haddii mar kale aad waxaas igu samayso ama aan xumaan kaa dareemo waan ku fadeexaynayaa dadka ayaan u sheegayaa, waliba waxaa fiican inaad ugu gooddiso qof weyn oo cidda ka tirsan inaad u sheegayso sheekada uu wado, hadduu sii wado dabin u dhig si bulshada ay u ogaato noociisa iyo wasakhnimadiisa, qofkii joogsan waayo waa la joojiyaa.
Inta badan raga noocaan ah waxay ku xadgudbaan caruurta iyo dadka taagta daran sheekooyinka maanta netka ka buuxa oo kufsiga ama nin u tagay gabar qaraabadiisa ama xaaska walaalkiisa dumaashidiisa ama xaaska aabihiisa ama naag deriska ama gabar abti dhalay aad bay u badan yihiin ragan marka laga aamuso wasay rabeen horay ayay usii soconayaan ilaa awood loogu adeegsado markaas ayay haraan.
Sida caadada xun looga soo kabsado
You should know first that this kind of person is worthless and needs to be led the right way.
If you keep quiet, he will do something worse to you. He also thinks that you are agreeing with him.
Why does a woman keep quiet about her body being touched? He thinks that if she had refused, he would not have kept quiet. He also imitates every woman in the same way, even if it is, you should warn him and say that if you do this to me again or if I feel bad about you, I will scandalize you and tell people.
It is also better to threaten an adult who is a member of the family that you are telling the story.
If he continues, set a trap so that society knows his type and his dirty nature. If he does not stop, he will be stopped.
Most of these men abuse children and vulnerable people.
The stories on the internet today are full of rapes or men who go to their relatives’ daughters or their brother’s wife, their sister-in-law’s or their father’s wife or their neighbor’s wife or their niece’s daughter. When men are silenced, they continue to do what they want until force is used against them, and then they stop.