Raga cuqdad ayaan u qaaday sababtana waa tan

Su’aasha:

Ano yar ayan kala kulmay qof deris nala ah faraxumeyn tatabasho faraha ayuu iga saray gudaha kastumada qofna uma sheegin, tas waxay ii kentay markasto an soo xusuusto fara ayan ku sigaysan jiray mana ogeyn dhibka sigada gabdhaha u kento markan weynaday waxan daremay farxumaynta waqtiga yaraanta inay darenka gabdhah siyadiso aabahayga wuxuu dhintay xiliyadaas kadib waxana noqday  gabar gooni uga baxsan dadka oo dhan siba raga cuqdad daran ayan u qaaday guurka xataa waa nacay, marka aan maqlo qof inu iso donan rabo naxdin ayaa i timaada si xun ayan u baqaa hada gabar da’ weyn ayan ahay marmar waxan ku fikiraa inan isdilo markan soo xusuusto wixii an soo maray mararka qar internetka ayan galaa si aan ugu shekeyo raga qaar oo aanan kasaynin oo ku nool dalal iga fog waxan la galaa shuknaasi raaxo kaliya, fadlan sideen uga bixi kara dhibka i haysta.

Raga cuqdad ayaan u qaaday sababtana waa tan
Raga cuqdad ayaan u qaaday sababtana waa tan

Jawaabta:

Dhacdooyinka qofka uu la kulmo marka uu yar yahay saameyn weyn ayay ku yeelanayaan qofka marka uu weynaado, siiba dhacdada kufsiga ama faraxumeynta.

Taas waxay ku abuuraysaa wiilka ama gabadha dhibaatadaas ay ku dhacday inay noqdaan dad noloshooda aan lahayn deganaan.

Marka waxaan kula talinaynaa wixii horay kuugu dhacay iska illow nolol cusub bilaabo, waayo adiga waad yarayd teedada kalana wax adiga aad kas u samaysay ma aha, waa wax xoog iyo qasab ah, marka kofka kugu sameeyay ayaa dembiga loo haystaa, dhacdadaas horay u dhacday yayasan nolosha kaa hallaynin, marka iska illow wixii dhacay.

Isku day inaad guursato qof wanaagsan oo jacayl iyo tixgalin aad ka heli karto, diinta ku dheg Alle diintiisa ku dhaqan, wixii kusoo xusuusin karo xumaantaas oo dhan ka fogow.

Waayo shaydaanka laftiisa wuxuu sii weynaynayaa dhacadaas kugu dhacday, ilaa aad naftaada disho, taasna waa wixii uu kaa rabay shaydaanka.

Yoolka shaydaanka ha u dhabeynin iska jir xaaladda aad la kulantay inay noloshaada xumayso.

Taas waxaa laga yabaa inay meel xun kugu riddo haddii aad naftaada sii daba gasho.

Teeda kale siigada xal kuuma noqonayso, waxaa dhici karta inay kugu sii waddo arrinkaas oona fikirka iyo maskaxda iyo dareenka oo kufsiga ay kusii sugaan oodan marna illaawin.

Ninka iyo xaaskiisa ma u banaan tahay leefitaanka ama nuugmada

The events that a person experiences when they are young have a great impact on the person when they grow up, especially the event of rape or sexual abuse.
This creates a boy or girl who has suffered from that problem to become people who do not have stability in their lives.
So we advise you to forget what happened to you before and start a new life, because you were young and the other one was not something you did intentionally, it was something forced and forced, when someone did it to you, it is considered a sin, that event that happened before will not ruin your life, so forget what happened.
Try to marry a good person who you can get love and consideration from, adhere to the religion of Allah, practice His religion, and stay away from anything that can remind you of that evil.
Because the devil himself will magnify what happened to you, until you kill yourself, and that is what the devil wants from you.
Do not fulfill the goal of the devil, be careful of the situation you have encountered that will ruin your life.
This can put you in a bad place if you continue to pursue yourself.
On the other hand, dusting will not be a solution for you, it may continue to haunt you and your thoughts, mind, and feelings will linger on the rape and never forget it.

Leave a Reply