Site icon Daruur درور

Ninka iyo xaaskiisa sida laga rabo jacaylkooda

Xiriirka ka dhexeeya ninka iyo xaaskiisa waxaa laga rabaa inuu ahaado xiriirka ka dhexeeya isha iyo gacanta.
gacanta marka dhaawac soo gaaro isha ayaa ilmaynaysa.

Ninka iyo xaaskiisa sida laga rabo jacaylkooda
Ninka iyo xaaskiisa sida laga rabo jacaylkooda

waayo way dareemaysaa xanuunka soo gaaray.
marka ay isha ilmaysana gacanta ayaa tirtirta.
sidaa awgeed haddii nin naag guursado waxaa laga rabaa inuu xaaskiisa u noqdo aabbe iyo hooyo iyo walaal sidey u yihiin oo kale.

maxaayeelay gabar dartaada uga soo tagtay aabbheeda iyo hooyadeeda iyo walaalaheeda kuna soo raacday waxay kaa mudan tahay dhimrinta aabbaha iyo naxariista hooyada gargaarka walaalka.
markaas ayaad ka heli kartaa jacayl weyn oo wanaag iyo khayr xambaarsan.

Exit mobile version