Ninka inuu xaaskiisa kufsado diinta islaamka maxay ka qabtaa

Ninka inuu xaaskiisa kufsado diinta islaamka maxay ka qabtaa

Su’aasha:

scw bahda Daruur su’aal ban qabaa oo ah kufsiga xaaska webka BBC  Somali waxaan ku arkay sheeko ku saabsan kufsashada xaaska waxaan rabi lahaa diinta islaamka waxa ay ka qabto inaad noo sheegtaan ninka hadi nagtiisa ay u diido inuu u galmoodo oo uu xoogo dami miyuu galay qofka sidaas ay qabsato maxaad kula talinaysaan?

Ninka inuu xaaskiisa kufsado diinta islaamka maxay ka qabtaa
Ninka inuu xaaskiisa kufsado diinta islaamka maxay ka qabtaa

Jawaabta:

Marka hore waxaa haboon in la ogaado ereyga kufsiga xaaska inuusan ahayn erey islaamka ka yimid ama msulimiinta ay adeegsadaan, ereygaas waxaa laga keenay reer galbeedka oo aan islaam shaqo ku lahayn.
Diinta islaamka ninka iyo xaaskiisa  axkaam ay u samaysay oo noloshooda hagaysa jacaylkoodana ilaalinaysa, way u bannaysay raaxada inay isla sameeyaan raaxadana waxay ku dhisan tahay jacayl iyo naxariis. wuxuu yiri Alle:

 

{وَمِنْ آيَاتِهِ أَنْ خَلَقَ لَكُم مِّنْ أَنفُسِكُمْ أَزْوَاجًا لِّتَسْكُنُوا إِلَيْهَا وَجَعَلَ بَيْنَكُم مَّوَدَّةً وَرَ‌حْمَةً إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُ‌ونَ} [الروم: 21]

(waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inuu idiinka abuuray naftiina Haween si aad isugu xasishaan, yeelayna dhexdiina isjacayl iyo naxariis, taasina waxaa ugu sugan Calaamad qoomkii fikiri)

Sidoo kale Alle wuxuu amray nimanka inay xaasaskooda kula dhaqmaan wanaag wuxuu yiri:

 

{وَعَاشِرُوهُنَّ بِالْمَعْرُوفِ} [النساء: 19]

 

(wanaag kula dhaqma)

Wanaagga waxaa ka mid ah ninka iyo xaaskiisa inay isku raaxaystaan iyagoo raalli isaga ah, waana laga fiican yahay inuu ninka xaaskiisa xoog ugu tago, naagtana sabab la’aan ninkeeda uma diidi karto hadduu ka rabo raaxo, axaadiis ayaa kusoo aroortay oo tilmaamaysa arrintaas wuxuu yiri rasuulka (scw):

«إِذَا دَعَا الرَّجُلُ امْرَأَتَهُ إِلَى فِرَاشِهِ، فَأَبَتْ أَنْ تَجِيءَ، لَعَنَتْهَا المَلاَئِكَةُ حَتَّى تُصْبِحَ»

(Ninka hadduu naagtiisa gogosha ugu yeero oo ay diiddo inay u timaado malaa’igta ayaa lacnad ku ridda ilaa subaxa ay ka gaarto)

 

Sidoo kale wuxuu yiri rasuulka (scw):

«إِذَا الرَّجُلُ دَعَا زَوْجَتَهُ لِحَاجَتِهِ فَلْتَأْتِهِ، وَإِنْ كَانَتْ عَلَى التَّنُّورِ»

(Hadduu ninka naagtiisa ugu yeero dantiisa ha u tagto xataa hadday tinaar kor joogto)

wuxuu kaloo yiri rasuulka (scw):

«وَلَا تُؤَدِّي الْمَرْأَةُ حَقَّ اللَّهِ عَزَّ وَجَلَّ عَلَيْهَا كُلَّهُ، حَتَّى تُؤَدِّيَ حَقَّ زَوْجِهَا عَلَيْهَا كُلَّهُ، حَتَّى لَوْ سَأَلَهَا نَفْسَهَا وَهِيَ عَلَى ظَهْرِ قَتَبٍ لَأَعْطَتْهُ إِيَّاهُ»

(Haweeneyda ma gudi karto xaqa Alle ku leeyahay oo dhan ilaa ay ka guddo xaqa ninkeeda ku leeyahay oo dhan xataa hadduu nafteeda ka dalbado iyadoo kor saaran katab way siinaysaa)

wuxuu kaloo yiri rasuulka (scw):

«إذا صلت المرأة خَمْسَها، وصامَت شهرها، وحَفظت فرجها، وأطاعت زوجَها، قيل لها: ادخلي الجنةَ من أيّ أبواب الجنة شئت»

(Hadday haweeneydu shanteeda tukato oo ay bisheeda soonto oo ay farjigeeda ilaaliso oo ay ninkeeda adeecdo waxaa lagu oranayaa: jannada ka gal albaabada aad doonto)

Naagta ninka uma diidi karto hadduu rabo inuu u tago haddaysan sabab jirin, hadday sabab jirto sida jirro ama wax kale daruuri ah kuma qabsan karo diidmada.
Taas waa sida wanaagsan.

Waxaa kaloo la mid ah ninka isagana uma diidi karo naagta haddii ay galmo rabto haddii sabab uu u diidayo mooyee. maxaayeelay xaq ayay u leedahay inay ka dalbato ninkeeda raaxada ay u baahan tahay, wuxuu yiri Alle:

 

( وَلَهُنَّ مِثْلُ الَّذِي عَلَيْهِنَّ بِالْمَعْرُوفِ وَلِلرِّجَالِ عَلَيْهِنَّ دَرَجَةٌ ) [ البقرة : ۲۲۸ ]

(Haweenkuna waxaay leeyihiin wax la mid ah waxa korkooda ah oo wanaag ku dhisan, Raggase waxaa ugu sugnaa korkooda Darajo)

Marka sida aan soo sheegnay diinteena way caddahay, kuma jiro wax la dhaho kufsiga ninka xaaskiisa uu kufsanayo, ama uu xoogayo, waxay rabaan gaalada iyo kuwa raacsan in fikraddaas ay  faafiyaan oo laga dhigo guurka inuu yahay sida xiriirka labo saaxiib ah ka dhexeeya oo xor ah oo aan xuquuq isku lahayn, sida eeyaha isu booda markay rabaan,  marka kalana ay isu diidaan.

Haddii ninka ay u diiddo xaaskiisa sabab la’aan isagana uu kacsan yahay oo xoog uu ugu tago wax dambi ah kuma laha waxna looma qabsan karo kufsina ma aha, kufsiga diinta islaamka waxay u aragtaa marka ninka uu xoogo naag aan xalaal u ahayn inuu u galmoodo. Waxaa la mid ah iyadana hadday ninkeeda uu u diido sabab la’aan oo ay xoog u adeegsato wax dambi ah kuma laha.  Ibnu Caabidiin oo ka mid ah fuqahada mad’habka xanafiyada wuxuu yiri asoo caddeynaya xukunkaas:

 

(من أحكام النكاح حل استمتاع كل منهما بالآخر، نعم له وطؤها جبرًا إذا امتنعت بلا مانع شرعي).

(Waxaa ka mid ah axkaamta nikaaxa inay u banaan tahay mid kaste inuu kan kale ku raaxaysto (labada isqaba) haa ninka way u bannaan tahay inuu qasab ugu tago  hadday u diiddo iyadoo uusan jirin wax ka reebaya oo sharci ah)

Naagteyda Hadan Kufsado Oo Ilmo Ay Dhasho Ilmaha Xaaran Miyaa

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More