Site icon Daruur درور

Ninka guri dhaqan karo maxaa lagu gartaa

Su’aasha:

Ninka ugu fiican la guursan karo sifada ama tilmaanta uu leyahay ayan rabaa inaad ii shegtan oo tilmaya inu yahay nin guri dhaqi karo o xasiisa an xumynaynin?

Ninka guri dhaqan karo maxaa lagu gartaa
Ninka guri dhaqan karo maxaa lagu gartaa

Jawaabta:

Gabadha muslimadda waxaa laga rabaa inay ka dhigato hadafkeeda xagga guurka mustaqbalka adduun iyo akhiro, ma aha inay hanti kaliya fiiriso.

Ninka wanaagsan waxaad ku garan kartaa sifooyin badan oo tilmaamaya inuu yahay nin guri dhaqi karo oo reer maamuli karo.

Kow qofka waa inuu yahay nin caqli leh oo aan la siri karin lana soo dirdiri karin.

Midda labaad nin runlow ah oo diinta ku dhaqma aan been sheegin.

Nin geesi oo aan runta ka baqin oo difaacaya xaaskiisa.

Nin daacad ah oo aan garanaynin dhagar iyo labawejiilenimo.

Nin deeqsi ah oo gurigiisa aan wax ka bakaylaynin.

Nin isku kalsoon oo aan shaki badnayn.

Intaas oo dhan waxaa ka horraysa inuu yahay nin tukanayan soomaya oo Ilaahay ka baqaya diinta islaamka ku dhaqmaya.

Exit mobile version