Ninka aan cadeysanin ma layska furi karaa

Su’aasha

Su’aal an qabaa nika hadii uu afkiisa uraayo cadey iyo nadafadna ma rabo diinta maxay ka qabtaa in layska furo fadlan jawa deg deg ayn idin karab mahadsanidin.

Ninka aan cadeysanin ma layska furi karaa
Ninka aan cadeysanin ma layska furi karaa

Jawaabta

Ilkaha in cadeysto waxay ka mid tahay nadaafadda diinta islaamka ay amartay, kuna boorrisay muslimiinta inay mar kaste cadeystaan siiba waqtiyada salaadda la tukan rabo.

 

marka ninka iyo naagta isqaba raaxadooda ma heli karaan haddii afka uu soo urayo oo ay meesha nadaafad jirin, maxaayeelay labadooda aad bay isugu dhow yihiin, marka kasta ay isla sheekaystaan, wayna isla hadlaan, marka ay is istiiminayaan afafka ayay is saaraan, sidaa awgeed waxaa waajib ah nin iyo naagtaba inay afafkooda aad u nadiifiyaan, si qofka kale uuna dhibtoonin.

marka aan usoo laabano furriinka, ma aha furiinka wax sahlan, guri muslin in si dhaqsi ah lagu dumiyo xal ma aha, gabadha waxaa laga rabaa ninkeeda hadduu yahay qof aan afkiisa nadiifinin, inay mar kaste ku waaniso, oo iyada xitaa isku daydo inay dhahdo kaalay anaa afka kuu nadiifinayo, waayo waxay ka mid tahay jacaylka iyo wanaagga guriga uu ku dhisan yahay, waxaa laga yaabaa inuu arrintaas ka helo oo uu ka oggolaado.

ma aha in furriinka loo boodo, haddii xal kale la waayo oo ninkana aan usoo jeedin nadaafaddaas iyaduna ay nacday markaas way dhihi kartaa adiga ma rabtid inaad is nadiifiso anigana waan kugu dhibtooday marka waxaan rabaa inaad i furto, waa marka waddooyinka oo dhan ay soo xirmeen, inkastoo ay fiican tahay, inay ku sabarto, oo ay iska ilaaliso afkiisa xiliga istiinka.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More