Site icon Daruur درور

Nin ayaan is guursan rabnaa oo naag la qabo jecel

Su’aasha:

Nin ayaan is guursan rabnaa wuxuu ii sheegay inuu jecel yahay naag kale wuxuu igu yiri naagtaas nin ayaa qaba anigana waan jeclahay marka aan ka xanaaqay wuxuu igu yiri waan kaftamyay marka maxaad igula talin lahydeen ninkas ma la dhihi karaa waa nin daacad ah, marka hadal uu ii sheegayay dhab ayay ka ahayd lakin marka u daremayn inaan ka xanaaqay ayuu isbadalay wuxuu sheekada ka dhigay inay kaftan tahay marka ninkaas ma guursan karaa ama waxaa laga yaabaa inuu mustaqbalka naagtaas la xiriiro.

Nin ayaan is guursan rabnaa oo naag la qabo jecel
Nin ayaan is guursan rabnaa oo naag la qabo jecel

Jawaabta:

Marka hore ninka ma aha inuu sheegto jacaylka naagta la qabo waayo waddo uguma bannaana inuu guursado, ninka naag la qabo ma shukaansan karo guurna uma bandhigi karo, taas waa qalad, marka hadduu rabay intaan la guursanin oo laga guursaday oo wali uu sii jecel yahay, waxaa laga rabaa inuu iska illaawo oo uu raadsado gabar hilmaansiinayso naagta hore, waxaa laga rabaa inuu dhiso nolol cusub, marka adiga isku day marka aad guursato inaad ku caawiso arrintaas, haddii aad ka shakisan tahay oo aad isleedahay ninkan daacad ma aha waxaa kuu fiican intuusan guurka dhicin inaad ka fogaato, waayo marka lays guursado dhibka waa kasii weynaanayaa haddii uu sheekada lasoo baxo mar kale.

Exit mobile version