Site icon Daruur درور

Nin ayaa guur la qarinayo iga dalbaday

Nin ayaa guur la qarinayo iga dalbaday

Su’aasha:

waxan ahay gabar jaamacad dhigata waxaa isoo doontay nin ku nool yurub laakin wuxuu leeyahay xaas wuxuu rabaa  guur  oo aan loo sheegin xaaskiisa guurka inuu noqdo guur qudbasireed ah marka ninka wuxuu rabaa inaan soomaali iska joogo oo aanan meel kale aadin maxaan sameeyaa ila taliya.

Nin ayaa guur la qarinayo iga dalbaday
Nin ayaa guur la qarinayo iga dalbaday

Jawaabta:

Guud ahaan guurka ma aha wax xun laakin waxaa habboon inuu ku dhisnaado qaab toosan oo aan hadhow dhibaato ka imaanaynin, ninkan hadduu dalbaday inuu qariyo guurkan waxaa taas daliil ay u tahay inuu hadhow marka uu dantiisa gaaro kaa dhaqaajin doono, waayo isaga Ilaahay wuxuu u banneeyay afar muxuu uga baqaa xaaskiisa min weynta hadduu daacad yahay, guurkaaga maa la ogaado oo aad noqoto xaas labaad, teeda kale ilmo ayaa imaan kara ilmahaas siduu uga qarinayaa xaaskiisa koowaad illeen xuquuq ayaa meesha imaanayso, geeri ayaa imaan karta dhaxal baa soo baxay, marka waxaan kula talinayaa ninkaas inaad ku tiraahdo haddaad guur daacad u tahay guurkayga lama qarinayo waa in ay ogaadaan dadka oo dhan xataa xaaskaaga.

raga yurub ka imaado inta badan xaasas intay is sir ku guursadaan oo ay ku raaxaystaan ayay ka cararaan oo ay wadda uga tagaan rag badan maa jira caan ah oo baraha bulshada soo galo oo naago badan soo guray qaar caruurtooda kasoo cararay. marka guurdoon been ayaa ku badan soomaalida oo raaxo kaliya raba aan mustaqbal rabin, kuwaas badankooda xaasas ayay ku leeyihiin qurbaha.

 

صح عن رسول الله صلى الله عليه وسلم من قوله: لا نكاح إلا بولي. أحرجه ابن حبان والحاكم وأبو داود وغيرهم
وقال صلى الله عليه وسلم: أيما امرأة نكحت بدون إذن وليها، فنكاحها باطل، فنكاحها باطل. رواه أصحاب السنن
ويقول أيضاً: أيما امرأة نكحت بغير إذن وليها فنكاحها باطل، فنكاحها باطل، فإن دخل بها فلها المهر بما استحل من فرجها، فإن اشتجروا فالسلطان ولي من لا ولي له. رواه الخمسة إلا النسائي أيما امرأة نكحت بغير إذن وليها، فنكاحها باطل، فنكاحها باطل فنكاحها باطل، فإن دخل بها فلها المهر بما استحل من فرجها، فإن اشتجروا فالسلطان ولي من لا ولي له. كما في المسند والسنن  – المصدر

 

Su’aal ku saabsan guurka qarsoon iyo dalaaqa bidciga

Exit mobile version