Rasuulka Ilaahay Nabi Muxamed – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – oo kale masoo marin adduunka, waa naiga lagu khatimay anbiyada nabi kalena ma imaanayo oo isaga ka dambeeyo.
Nabiga wuxuu ahaa midka ugu raxaariis badan uguna dhaqan fiican inta Ilaahay uumay. Ilaahay wuxuu soo saaray rasuulkiisa Muxamed – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – asoo hanuuniye ah iyo bishaareeye iyo asoo ah mid ugu yeeraya Ilaahey, tasoo dhan waa Ilaahay idinikii iyo asoo ah feynuus iftiin leh, Alle wuxuu lasoo diray risaalo khaatimo ah oo caalami ah oo u suubato oona hagaajiso waqti kaste iyo meel kaste, taas waxay keentay inuu ku ahaado rasuulka hadalladiisa iyo falalkiisa iyo dhammaan xaaladahiisa mid tusaale camali u ah Islaamka saxa ah, taasna la yaab ma laha, wuxuu ahaa rasuulka – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – mid laasimaya manhajka Quraanka xagga xiriirka rabbigiisa iyo xagga xiriirkiisa dadkaoo dhan si kastoo ay ugu kala duwan yihiin jinsigooda iyo midabkooda iyo caqiidadooda, sidaa awgeed marka la weyddiiyay muminiinta hooyadooda Caa’isha dabeecadda rasuulka waxay tiri: (waxay ahayd dabeecaddiisa quraanka).
(Qof ma jiro wax nagu leh hadday dhacdo waan ka abaalmarinaynaa, Abuu bakar mooyee waxaa uu nagu leeyahay Ilaahay ayaa ka abaalmarinayo maalinta qiyaame).
Waxaa ka mid ah muuqallada oofintiisa wuxuu u sameyn jiray mu’miniinta hooyadooda Khadiija -Ilaahay raalli haka noqdee – wuxuu ahaa qof jecel oo qadariya mid u oofiyana u ah nolosheeda iyo geerideeda kaddib, wuxuu leeyahay asoo caddeynaya darajadeeda:
(Ilaahay ma igu baddalin wax iyada ka fiican, waxay i aamintay markay dadka igu kufriyeen waxay i rummeysay marka ay dadka i beeniyeen, maalkeeda ayay igu deeqday marka ay dadka ii diideen, ilaahayna ilma ayuu iga siiyay markuu iga reebay ilmaha haweenka kale)
(Waxaan u adeegay rasuulka Ilaahay toban sano ima dhihin waligiisa uf wax aan sameeyayna ma dhihin maxaad u sameysay? wax aan ka tagayna maxaad uga tagtay?).
(Rasuulka Alle labo arrin lama doorgaliyo hadday dhacdana wuxuu dooran jirin kan ugu fudud hadduuna ahayn dambi, hadduu dambi yahayna wuxuu ahaa kan kaga fogaansho badan dadka), wuxuu yiri: