Naagta hooyadaada neceb see ula dhaqmaysaa

Su’aasha:

Gabdho waxaa jira ninka iyaga qabo hooyada dhashay aan tixgalinin oo muujiya inay neceb yihiin qaar xataa caaya, marka nagtayda haddii falkaas aan ku arko maxaan ku sameyaa taas ma u furi karaa.

Naagta hooyadaada neceb see ula dhaqmaysaa
Naagta hooyadaada neceb see ula dhaqmaysaa

Jawaabta:

Guurka toosan dadka ayuu isu soo dhoweeyaa, jacaylka ayuuna dhex dhigaa, kaliya ma aha ninka iyo naagtiisa dhexdooda, bal qaraabada xitaa wuu isku soo dhoweeyaa illeen ubad ayaa ka dhasho oo matala laba dhinac.

Marka gabadha waxaa laga rabaa inay tixgaliso waalidka ninkeeda iyo hooyadiisa iyo walaalihiisa isagana sidoo kale waxaa laga rabaa inuu tixgaliyo xaaskiisa waalidkeeda iyo hooyadeeda iyo walaalaheeda waa in lays ixtiraamaa.

Haddii xaaskaaga ay tahay qof ku xadgudbaysa waalidkaaga u sheeg inay khalad ku jirto ha ku raacin, hadday khaladka ka hari weyso waxaa kuu fiican inaad iska fasaxdo maxaayeelay qofkii hooyadaada caayaya nolol fiican kuulama rabo naagta noocaas ah waa naag xun, haddii ay fiican tahay naagta ninkeeda hooyadiisa kuma xadgudubto mana aflagaadayso, marka ogow jacayl kuuma qabto ee waxay rabtaa inay hooyadaada dullaysato adigana aad ku raacdo, haddaad sidaas samayasana way kuu dhamaatay, naagtaada ayaad ka dooratay hooyadaada.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More