Naag dhiiga caadada qabta qofkii ka sinaysto

Naag dhiiga caadada qabta qofkii ka sinaysto

Su’aasha:

Acs wl waxaan ahay wiil dhalinyaro ah hada ka hor ayaan galay sino
Marka dumarka dhan waan dhibsadaa qurux iiga soo uro dhiiga caadada markaan maqlo ma tag ayaa i qabto waxaa larabaa in gabar habaryar tay dhashah la ii guuriyo lkn marabo oo aniga kliya inaan arko ayaan jeclahay dadkayga dhan in ay arkaan marabo
Dhiiga caadada dartiis ayaan unacayaa lkn naag waan rabay
Waxaana igu badan siigada saaid ayay iigu badan tahahy labadooda kee doortaa wll
Dhibkaan sidee iskaga daaweeyaa
Awal dumarka waan jeclaa eaan xiisatn jiray waan la qosli jiray xataa waxaan islahaa intaan dhagaystay sh kasheekaynaya galmada maanta wuxuu yiri nabiga scw markuu caasho utagayo ceedka ay mrada ku shubto nabiga scw intuu qaado ayuu gacantiisa ku dhaqi jiray ana markaas ayaan is dhahay ala yaa gabar ku siiyaa oo dhiigeeda gacanta aad ku dhaqdidee
Oo dareen ayaa ka qaadi jiray
Lkn maalin maalmaha ka mid ah ayaan zino ku dhacay gabdhii saan uwaday ayay godoshii dhiig iiga siidaysay oo maar maar cml usoo urayo maalin taa wixii ka dambeeya haday wax yar ii soo uraan dhiigii ayaa moodayaa
Nasiib daro naagtayda in la i dhaho asaga ayaa qaba ma jecli in ay adeerayaashay abtiyaashay faamilkyga la kulanto ma o goli oo waan nacayaa dhibkaan intee ayuu iiga imaaday ama maxaa lagu xalin karaa
Mise guur dhan waan iska daaya oo siigda ayaan badsadaa wll iiga jwb

Naag dhiiga caadada qabta qofkii ka sinaysto
Naag dhiiga caadada qabta qofkii ka sinaysto

Jawaabta:

Adiga nafsi ahaan ayaad u jiran tahay waa inaad u tagtaa dhakhtar nafsaani, waxaa kaloo aad ogaataa qofka sinada galaya inuu nacayo xalaasha oo xumaanta uu kusii soconayo, dhibkaas ku haysta waxaa kuu keenay sinada aad gashay, sidey ku dhici kartaa inaad isu barbardhigto siigo iyo guur xalaal ah, waxaa lagaa rabaa inaad ka towbad keento oo aad ka fogaato sinada iyo xumaanta.

Dhiiga caadada waa wax dabiici ah oo dumarka ku dhaco marka uu ku dhacana galmadooda laga fogaado ee la dhaqankooda aan laga fogaanin.

Teeda kale Nabiga SCW ma uusan dhaqi jirin dhiiga caadada ee marada xaaskiisa, taas kuma sugna kutubta axaadiista.

Diinta islaamka way ka digtay sinada

Dhiiga caadada iyo sinada
Dhiiga caadada iyo sinada

Naag sino uur ku qaaday mala guursan karaa

 

wuxuu yiri Alle (SW):

 

(وَالَّذِينَ لَا يَدْعُونَ مَعَ اللَّهِ إِلَٰهًا آخَرَ وَلَا يَقْتُلُونَ النَّفْسَ الَّتِي حَرَّمَ اللَّهُ إِلَّا بِالْحَقِّ وَلَا يَزْنُونَ ۚ وَمَن يَفْعَلْ ذَٰلِكَ يَلْقَ أَثَامًا * يُضَاعَفْ لَهُ الْعَذَابُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ وَيَخْلُدْ فِيهِ مُهَانًا ‎* لَّا مَن تَابَ وَآمَنَ وَعَمِلَ عَمَلًا صَالِحًا فَأُولَٰئِكَ يُبَدِّلُ اللَّهُ سَيِّئَاتِهِمْ حَسَنَاتٍ ۗ وَكَانَ اللَّهُ غَفُورًا رَّحِيمًا)

(Ee ah kuwaan Caabudayn Eebe La Jirkiisa Ilaah kale, oona dilayn baftuu Eebe xarrimay dilkeeda xaq mooyee oon zinaysanayn, ciddii saas fashana waxay la kulmi dambi * waxaana loo laab laabi cadaabka maalinta qiyaame wuuna ku waari dhexdiisa isagoo dullaysan * ciddii toobad keenta oo rumaysa oo fasha vamal fiican mooyee, oo kuwaas waxaa loogu badali xumaantooda wanaag, Eebana waa dambi dhaafe naxariista)

Allah (SW) wuxuu yiri:

(الزّانِيَةُ وَالزّاني فَاجلِدوا كُلَّ واحِدٍ مِنهُما مِائَةَ جَلدَةٍ ۖ وَلا تَأخُذكُم بِهِما رَأفَةٌ في دينِ اللَّهِ إِن كُنتُم تُؤمِنونَ بِاللَّهِ وَاليَومِ الآخِرِ ۖ وَليَشهَد عَذابَهُما طائِفَةٌ مِنَ المُؤمِنينَ)

(Zaaniyadda & Zaaniga Garaaca mid kastoo ka mid ah Boqol Garaaca oo yeyna Idiin Qabanin Xagooda Naxariis diinta Eebe dhexdeeda Haddaad Tihiin kuwa Rumeeyey Eebe iyo Maalinta Dambe (Qiyaamada) hana Joogo Garaacooda Koox ka Mid ah Mu’miniinta.)

 

Fasirka riyada dhiiga caadada

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More