dadkii aadka uga soo horjeeday Xasan Sheekh hadda kama hadlaan waxyaalaha Farmaajo waqtigiisa loo jeedo qaraxa badan safarada badan ballanta uu buriyay iwm., waxayna iska dhigayeen dad Mucaarad ah, laakin kama ahayn mucaaradnimo qabyaalad ayaana u qarsooneyd.
hadda u noqo muuqaalada ay duubeen waagii hore.
sidoo kale dadka Muuse Suudi difaayaca iyagoo iska dhigaya dad u damqanaya magaalada Muqdisho waa tii beelahooda ay sidaas u galeen.
Xalka Soomaali waa cirbad ku luntay badweynta India habeen leyl ah oo mugdi daran jiro. taas macanaheedu waa adag tahay inay soomaali kusoo noqoto sidii ay ahayd.
soomaali aakhirkeeda waxay u dhamaanaysaa dowladaha deriska magaca soomaali waa la tirtirayaa.
taasna waxaa loo adeegsaday dad badan oo isku sheegaya inay madaxda yihiin ama kaabe qabiil ama oday ama qabqable.
waxaan macquul ahayn in la waayo qof dhabta taaban karo.