Su’aasha:
Waxaan rabaa inaan ogaado sabata ay u eegayaan dhakhaatiirta carabka qofka ay baarayaan marka la rabo in la ogaado jirada hayso fadlan jawaab ayaan idinka sugayaa aad baad ugu mahadsan tihiin.

Jawaabta:
Waa sax dhakhaatiirta inta aysan baarin qofka waxay eegayaan carabkiisa taasna waxaa ugu wacan midabka carabka wuxuu tilmaamayaa xaaladda jirka dhinka caafimaadka iyo dhanka cudurkaba.
tusaale ahaan carabka casaanka khafiifka ah oo leh wax yar cadaan ah waa carrabka dabiiciga ah wuxuu tilmaamayaa in caloosha ay si fiican cuntada u shiiddo, carabka aadka u guduudan wuxuu tilaamayaa qofka inay jirro hayso siiba nooc qandhada ka mid ah.
carrabka guduudan laakin balbalaya wuxuu tilmaamayaa inay jiraan fitamiino jirka ka mqan ama dhiig yari.
marka carrabka waa muhim marka la baarayo qofka jirada qaba.
The relationship of the color of the tongue to the diseases inherent in the body
It is true that doctors look at a person’s tongue before examining them, and this is because the color of the tongue indicates the state of the body in terms of health and disease.
For example, a light red tongue with a little white is a natural tongue and indicates that the stomach is digesting food well, a very red tongue indicates that the person is sick, especially with a fever.
A red but pale tongue indicates that there are vitamins missing from the body or anemia.
So the tongue is important when examining a person who is sick.
