Mercedes-Benz qofka sameeyay maxaa loo dhihi waayay midgaan

Mercedes-Benz qof kaste aqoon u leh gawaarida wuu yaqaanaa waxa ay tahay.
laakin taariikhda ay soo bilaabatay waa waqti hore. waa diiwaangaliyay halabuurkeeda 1886 gaariga ay soo saarteyna wuxuu ku shaqeynayay bansiin.

Mercedes-Benz 1886
Mercedes-Benz 1886

waxaad arkaysaa gaariga ugu horreeyay ay samayso wuxuu ahaa gaari u eg gaari dameer haddana waxaad u jeedaa gawaarida ay sameyso inay yihin kuwa madaxda dunida lagu qaado.
Mercedes-Benz waa shirkad laga leeyahay Germany waxaa asaasay nin la dhihi jiray Karl Friedrich Benz.
Wax kaste wuxuu u baahan yahay adkeysi iyo dadaal.

Gudniinka fircooniga dambi miyaa sidee loo gudaa gabdhaha
Mercedes-Benz 2019

Ma og tahay marka gumeysiga ingiriiska soo galay soomaali siiba waqooyi oo uu arkay dadka soomaaliyeed ku dheereyn jiray birta sancadeeda sidoo kale alaabta guryaha sida billaawaha iyo jalmada iyo maacuun badan ay sameyn jireen, markuu arkay dadka tumaalka wuxuu ku diray bulshada soomaaliyeed sidii loo takoori lahaa sidaasna way dhacday shaqadoodi waa laga fogaaday xitaa waa loo diiday in laga guursado. waxaa loo bixiyay magacto cunsuri ah sida midgaan tumaal madhibaan anjalaay ooji iwm. waa dad soomaali ah bal iyagaaba soomaalida qurux badan.
gumaysiga wuxuu ogaa in dadkaas ay mustaqbalka hormar gaari karaan diyaarad sameyskeeda wuxuu kasoo bilowday bir in la tumo.

maanta haddii la dhaho dadka diyaaradaha sameeyay gawaarida samaeeyay sidoo kale sancadaha adduunka laga isticmalo waa midgaan maxaad dhihi lahayd.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More